Muqdisho – Saddex dalool kamid ah iska hor imaadyada dunida ka jira waxaa lagu celiyaa ku kala duwanaanta dhaqamada, marka loo eego mareegta hey’adda QM.
Buuxinta daloolkaas ee ka dhex jira dhaqamada iyo caadooyinka kala duwan waxay lama huraan u tahay nabadda, xasilloonida iyo horumarka.
Dhaqamada kala duwan waa awood lagu karaariyo horumarka – oo aan kaliya qadarin ku laheyn kobaca dhaqaalaha, balse sidoo kale tiir-dhaxaad u ah helidda bulshooyin noloshooda ruuxiga ah ugu nool si farxad leh. Waxay sidoo kale dhaqamadu yihiin hanti huriweynto u ah yareynta faqriga iyo ku guuleysiga horumarro joogtaysan.
Isla waqtigana, aqbalista iyo aqoonsashada dhaqamada kala duwan waxay fure muhiim ah u yihiin wada-hadalka ka dhex jira ilbaxnimooyinka iyo is fahamka Aadmiga.
Sanadkii 2001, UNESCO ayaa xuska maalintan kula kowsatay baaqa caalamiga ah ee kala duwanaanta iyo is-dhex-galka dhaqamada. Bishii December, 2002, kal-fadhiga guud ee QM ayaa May 21-keeda u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ah ee Is-dhex-galka Dhaqamada.
Maalintani waxay na xusuusisaa fursadaha aynu ku garan karno fahamka dhaqamada iyo qiimeynta is-dhexgalka bulshooyinka.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.