Muqdisho – Maalinta Caalamiga ee Nabadda waxaa sanadle loo qabtaa 21-ka bisha September si loo garowsado dadaallada shaqsiyaadka, ururrada iyo dowladaha ay ku dhameynayaan colaadaha kuna soo dabaalayaan nabadda.
Shibirta ayaa u ah astaan lala xiriiriyo Maalinta Caalamiga ee Nabadda. Hal-ku-dhegga Maalintan ee sanadkii 2016-ka wuxuu ahaa, hiigsiga joogteynta horumarrada ahdaafta fog: iyo gogol u xaarista nabadda.
Si shumaca loogu shido dhacdada Maalintan, Jaliska Nabadda ee QM ayaa laga yeeriyaa Xarunteeda magaalada New York.
Maalintan ayaa sidoo kale ah ah maalin xabad-joojineed – mid shaqsi iyo mid siyaasadeedba. Markii ugu horreysay Maalintan, waxaa loo dabaal-degay sanadkii 1982-kii, iyada oo la qabtay Talaadadii saddexaad ee bisha September ilaa sanadkii 2002, markii 21 September ay noqotay Taariikhda loo asteeyey Maalinta Caalamiga ee Nabadda.
Waxay Maalintani shacbiyad ku leedahay malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool: munaasabado badan oo lagu weyneynayo ayaa sanad kasta lagu soo beegaa xuska Maalintan.
Kooxo gaar ah ayaa sameeya daqiiqad aamusnaan ah waqti duhurnimo ee Maalinta Caalamiga ee Nabadda.
Helidda ama unkidda Maalinta Nabadda Caalamka, QM ayaa laf ahaanteed isku xil-qaanta ayaa adduun-weynaha isugu yeerta inay si midaysan ugala shaqeeyaan gaarista nabad buuxda.
Sidoo kale, Maalintan, Xog-hayaha Guud ee QM ayaa garaaca ganbaleel laga sameeyey shilimaad (lacag macdan ka sameysan) oo ay ku deeqeen 60 dal. Waxaana munaasabadda maalintan loo qabtaa maamuus gaar ah.
Xigasho – Ocean Media Presentation.