Home / Maalmaha Caalamiga / 21 September – Maalinta Caalamiga ee Nabadda

21 September – Maalinta Caalamiga ee Nabadda

Himilo- Maalinta Caalamiga ee Nabadda waxaa sanadle loo qabtaa 21-ka bisha September si loo garowsado dadaallada shaqsiyaadka, ururrada iyo dowladaha ay ku dhameynayaan colaadaha kuna soo dabaalayaan nabadda.

Shinbirta ayaa u ah astaan lala xiriiriyo Maalinta Caalamiga ee Nabadda. Hal-ku-dhegga Maalintan ee sannadka 2019 waxaa loo qaatay “Tallaabo ku saabsan cimilada si nabad loo gaaro.”

Si shumaca loogu shido dhacdada Maalintan, Jaliska Nabadda ee QM ayaa laga yeeriyaa Xarunteeda magaalada New York.

Maalintan ayaa sidoo kale ah maalin xabad-joojineed – mid shaqsi iyo mid siyaasadeedba. Markii ugu horreysay Maalintan, waxaa loo dabaal-degay sanadkii 1982-kii, iyada oo la qabtay Talaadadii saddexaad ee bisha September illaa sanadkii 2002, markii 21 September ay noqotay Taariikhda loo asteeyey Maalinta Caalamiga ee Nabadda.

Waxay Maalintani shacbiyad ku leedahay malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool: munaasabado badan oo lagu weyneynayo ayaa sannad kasta lagu soo beegaa xuska Maalintan.

Kooxo gaar ah ayaa sameeya daqiiqad aamusnaan ah waqti duhurnimo ee Maalinta Caalamiga ee Nabadda.

Helidda ama unkidda Maalinta Nabadda Caalamka, QM ayaa laf ahaanteeda isku xil-qaanta oo adduun-weynaha isugu yeerta inay si midaysan ugala shaqeeyaan gaarista nabad buuxda.

Sidoo kale, Maalintan, Xog-hayaha Guud ee QM ayaa garaaca ganbaleel laga sameeyey shilimaad (lacag macdan ka sameysan) oo ay ku deeqeen 60 dal. Waxaana munaasabadda maalintan loo qabtaa maamuus gaar ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan