Home / Madadaalo / 22-jir Gacanta iska jartay si ay u hesho ceymis

22-jir Gacanta iska jartay si ay u hesho ceymis

Himilo – Gabar kasoo jeedda dalka Slovenia ee bartamaha Yurub ayaa iska jartay gacanteeda bidix si ay u hesho lacag dhan £700,000 oo pound oo u dhiganta 896,342 oo doolar.

Saaxiibkeed oo hadda la dhigay xabsi, ayaa kula taliyay inay cumaacunta ka jarto gacanteeda bidix, horraantii sanadkii 2019-kii, si ay u hesho lacago ay dooneysay.

Maalmo ka hor dhacdadan ayaa la weriyay in saaxiibka Julija Adlesic uu mareegaha Internet-ka baarayay xogo la xiriira habka ay u shaqeyso gacanta macmalka ah.

22-jirtan ayaa billawgii sanadkan heshiisyo la gashay shan shirkadood oo kala duwan, kuwaas oo bixiya ceymis.

Heshiisyadaasi waxey ku qaadatay lacag ka badan 1-milyan oo yuuro, taas oo qaar ka mid ah dib u celisay halka kuwa kalena lagu leeeyahay wali.

Jimcihii ayaa lasoo taagay haweeneyda maxkamad ku taala caasimadda Slovenia ee Ljubljana, waxaana lagu xukumay laba sano oo xarigga.

Waxey ku andacootay Adlesic in qofna uusan dooneynin inuu gacantiisa waayo,balse mid kamid ah garyaqaanada maxkamadda ayaa rumeysan in xukunku caadil yahay kuna haboon yahay kiiska.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan