Home / Maalmaha Caalamiga / 23 April – Maalinta Caalamiga ee Afka Ingiriiska

23 April – Maalinta Caalamiga ee Afka Ingiriiska

Himilo – 23 April waa maalin hey’adda QM u qaabilsan dhaqanka, seyniska iyo waxbarashada u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee Afka Ingiriiska sannadkii 2010 si loogu dabaal-deggo afkan iyo kaalinta uu dunida kaga jiro.

Waa maalin, si kale marka laga fiiriyo, lagu xasuusto dhalashada iyo geerida qoraagii Ingiriis ee William Shakespeare. Waxayna maalintan kamid tahay ku dhawaad lix maalmood oo si caalami ah loo xuso afafka Chinese-ka, Carabiga, Faransiiska, Ruushka iyo Spainish-ka.

Waxaa jira ku dhawaad 360-400 oo milyan oo ku hadla Ingiriiska. Dalal gaaraya 67 dal ugu yaraan ayaa afka Ingiriiska si rasmi ah looga hadlaa.

Soomaaliya, in kasta oo aysan luqadda koowaad iyo tan labaad aheyn afka Ingiriiska, haddana  bulshadeennu waxay kamid tahay ummadaha aadka u adeegsada.

Xoggaha laga diiwaan-geliyo afka Ingiriiska, kasokow ku hadalkiisa, waa in sannad kasta ku dhawaad kun eray ay kusoo kordhaan. Sida la tilmaamo waxaa jira 12 malyuun oo ah barayaal ama macalimiin dadka bara luqadda Ingiriiska dunida oo dhan. Waxaana lagu naaneysaa luqadda daruuraha waayo waxaa adeegsada duuliyaasha diyaaradaha iyo duullimaadyada caalamiga ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan