Home / Macluumaad / 23 April – Maalinta Caalamiga ee Afka Ingiriiska.

23 April – Maalinta Caalamiga ee Afka Ingiriiska.

Muqdisho – 23 April waa maalin ay hey’ada QM u qaabilsan dhaqanka, seyniska iyo wax-barashada u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee Afka Ingriiska sanadkii 2010 si loogu dabaal-dego afka Ingiriiska iyo kaalinta uu dunida kaga jiro.

Waa maalin, si kale marka laga fiiriyo, lagu xasuusto dhalashada iyo geerida qoraagii Ingiriis ee William Shakespeare. Waxayna maalintan kamid tahay ku dhawaad lix maalmood oo si caalami ah loo xuso afafka Chinese-ka, Arabiga, Faransiiska, Ruushka iyo Spainish-ka.

Luqadda Ingiriisku waa afka saddaxaad ee aad looga hadlo dunida dacalladeeda. Waxaa jira ku dhawaad 360-400 oo milyan oo ku hadla Ingiriiska. Dalal gaaraya 67 dal ugu yaraan ayaa afka Ingiriiska si rasmi ah looga hadlaa.

Soomaaliya, in kasta oo aysan luqadda koobaad iyo tan labaad aheyn afka Ingiriis, hadana  bulshadeennu waxay kamid tahay umadaha aadka u adeegsada.

Xogaha laga diiwaan-geliyo afka Ingiriiska, kasokow ku hadalkiisa, waa in sanad kasta ku dhawaad kun erey ay kusoo kordhaan. Sida la tilmaamo waxaa jira 12 malyuun oo ah barayaal ama macalimiin dadka bara luqadda Ingiriiska dunida oo dhan. Waxaana lagu naaneysaa luqadda daruuraha waayo waxaa adeegsada duuliyaasha diyaaradaha iyo duullimaadyada caalamiga ah.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan