Home / Dhaqaale / 24-ka Janaayo maalinta caalamiga ee waxbarashada

24-ka Janaayo maalinta caalamiga ee waxbarashada

Himilo – Dunida ayaa u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuquuq aadane, dan guud iyo mas’uuliyad dadweyne.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 24-ka Janaayo inay tahay maalinta caalamiga ah ee waxbarashada, iyadoo loo dabaaldegayo doorka waxbarashada ee nabadda iyo horumarka.

“Haddii aan la helin waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo fursadaha nolosha oo dhan, dal kasta kuma guuleysan doonaan inay gaaraan sinnaan iyo inay jabiyaan meertada faqriga ee ku habsaday malaayiin carruur, dhallinyaro iyo dad waaweyn”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay UNESCO.

244 milyan oo carruur  ah ayaa ka maqan iskuullada, halka 771 milyan oo qaangaar ah ay  yihiin kuwa aan waxna akhriyin maanta.

Qaraarkii sababay in 24 janaayo loo calaamadeeyo xuska waxbarshada waxaa lahaa Nigeria, waxaana ku raacay 58 xubin oo katirsan Qaramada Midoobay.

Ujeedada maalintan gaarka loogu gartay in waxbarshada la karaameeyo, waxaa saldhig u ahaa in kor loo qaado nabadda iyo horumarka iyadoo loo marayo tacliinta. Waa suura gal inaad waxbarato!

Balse maanta 262 Milyan oo isugu jira caruur iyo dhallinyaro ayaa dhigan dugsiyo; 617 Milyan oo da’yar ah ayaan awoodin inay akhriyaan ama ay ka shaqeeyaan xisaabta aasaaska ah; wax ka yar 40% gabdhaha ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika ayaa dhammeysta dugsiyada hoose, qiyaastii 4 Milyan oo carruur ah waa qaxooti dibadda ka jooga goobaha waxbarashada.

“Waxbarashada waa waxa ugu awoodda badan ee aan ku hubin karno haggaagsanaanta caafimaadka, kobaca dhaqaalaha iyo hal-abuurka. Kama guuleysan doono mushkiladda saboolnimada, geesta kale hoos uma dhigi karno isbedelka cimilo la’aanta ka go’naan siyaasadeed oo ku aadan waxbarshada lagana helo hoggaamiyayaasha,” sidaa waxaa tiri Audrey Azoulay agaasimaha hay’adda UNESCO.

“Waxaa waajib nagu ah inaan wax badan sameyn oo aan tiigsano baraare inagoo ka duuleyna qoddobka afaraad ee joogteeya horumarka, waa inaan ka wada qeyb qaadano waxbarasho tayo leh oo loo wada simman yahay, lana dhiiri geliyo daa’imidda fursadaha waxbarsho nolosheenna oo dhan dhammaanteed,” sidaa waxaa yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, sida ku cad laguna sharxay qoddobka 26aad ee baaqa caalamiga ee xuquuqul aadanaha, waxay muhiim u tahay horumarka waara marka la cuskado tiigsiga 2030 ee Qaramada Midoobay kaas oo isna sheegaya in gaarida 17-ka hadaf ee u dagan inay waxbarashadu u tahay udub dhaxaad.

Ugu danbeyn, waxaa lagu talinayay in dareen gaar ah loo yeesho loona wada istaago sannadkan iyo kuwa danbe helidda waxbarasho tayeysan.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan