Himilo – Sannad kasta, 24 bisha October ayaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, waxaana ujeedka uu yahay in lagu kasbado taageerada dadka caalamka iyadoo la barayo wax-qabadka iyo hiigsiga hay’adda.
Haddaba waxaan halkan ku soo bandhigaynaa macluumaad kooban oo ku saabsan maalintan caalamiga ah.
1) Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa qaraar tirsigiisu ahaa 2782 ku asteysay maalintan sannadkii 1971-kii.
2) Qaramada Midoobay ayaa ku dhiira-gelisay dalalka xubnaha ah inay u dabaal degaan xuska maalintan.
3) Maalinta QM waxay qeyb ka tahay toddobaadka hay’adda oo ka bilaabanaya 20-ka illaa 26 October.
4) Maanta oo kale waxaa la qabtaa kulamo iyo doodo ku saabsan wax-qabadka iyo ujeedooyinka QM.
5) Dugsiyo badan oo ku yaalla dunida ayaa xusa maalinta QM.
6) Dalka Kosovo, maanta oo kale waxay ka tahay maalin fasax rasmi ah.
7) Waxay ka dhigan tahay maalintan sannad guurada markii uu dhaqan galay heshiiskii QM ee 1945-kii kaddib markii ay qalinka ku duugeen inta badan dalalka caalamka oo ay ku jiraan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka.