Home / Caafimaad / 25 April – Maalinta caalamiga ee Duumada

25 April – Maalinta caalamiga ee Duumada

Himilo – Maalinta Caalamiga ee Duumada ama Malaariyada waa baraarug guud oo sannad kasta la xuso bisha April 25-keeda – iyada oo lagu garowsado dadaallada caalamiga ah ee lagu maareynayo cudurkan. Duni ahaan, 3.3 bilyan oo ku kala nool 106 dal ayaa halis ugu jira Duumada.

Sannadkii 2012, cudurka Duumada waxaa u geeriyooday tiro lagu qiyaasay 627,000 kuwaas oo badankood kasoo jeeda qaaradda Afrika. Qaaradaha Aasiya, Latin Ameerika, tiro kooban oo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub ayay sidoo kale Duumada saameyn ku leedahay.

Xuska Maalintan wuxuu soo alkumay bishii May sannadkii 2007-dii markaas oo lagu calaameeyey kal-fadhigii Guud ee Caafimaadka Dunida. Maalintanna, waxaa loo doortay si sarre loogu qaado aqoonta iyo fahamka la xiriira Duumada.

Iyada oo la kaashanayo dadaallada Maalinta Caalamiga ee Duumada, Maalinta Malaariyada Afrika waxaa markii ugu horreysay la qabtay sannadkii 2001 – gu’ kaddib ku dhawaaqistii taariikhiga aheyd ee Abuja oo ay saxiixeen 44 dal oo Afrikaan ah kuwaas oo la dhibban saameynta cudurkan.

Kaneecada ama Duumada waa halis mararka qaar ka dhigan cudur raad danbe ku yeesha xubnaha qofka oo laga qaado Kaneecada ama Dhilmaanyada. Cudurku wuxuu fidaa marka Kaneecadu qaniinto oogada ama jirka qofka.

Duumada waxaa si guud ugu badnaan looga helaa qaaradda Afrika iyo qeybo kamid ah koonfur bari qaaradda Aasiya. Dhaqan ahaan, dalal badan oo Afrika iyo koonfur bari Aasiya ku yaalla waxay ku jiraan heerka ugu sarreeya ee faqriga; dadkuna maheli karaan kahortagga cudurka Duumada iyo daawadeeda – mana helaan aqoon ay xaggeeda u leeyihiin.

Sida la tilmaamo, Duumadu waxay saameysaa celcelis ahaan 200 oo milyan sanad kasta. Ku dhawaad hal milyan oo kamid ah labada boqol ee milyan ayaa sanad kasta u geeriyooda.

Dhimashada cudurkan, 90% waxay ka dhacdaa qaaradda Afrika. Gudaha qaaradda, hal cunug ayaa u dhinta Duumada ama Kaneecada daqiiqad kasta.

Tallaalkii ugu horreeyay ee xannuunka Duumada ayaa laga bilaabayaa dalalka Malawi, Kenya iyo Ghana.

RTSS ayaa qeyb ahaan ka difaacaya carruurta xannuunka Duumada iyadoo uu badbaadin u noqon karo 4 kamid ah 10-kii carruur.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan