Home / Dhaqaale / 25-jir dhaqaale ka sameeya sunta Dib-qalooca

25-jir dhaqaale ka sameeya sunta Dib-qalooca

Himilo – Sheekada da’ yarkan Masaariga ah waxey dib u laabaneysaa dhow sanno kahor markaas oo uu billaabay inuu duurka kasoo ugaarsado Dib Qalooca, si uu suntiisa uga sameeyo dhaqaale.

Hadda waa 25-jir Mohamed Hamdy Boshta waana milkiilaha shirkad soo saarta suntan Dib-qalaaca. Mashruuciisa waxa uu hooy u yahay 80,000 oo Dib-qalooc, kuwaas oo laga kala keenay beero ku firfirsan Masar iyo Masas oo qudhoodu suntan laga rabo.

Iyada oo la adeegsanayo kaaha shucaaca leh ee UV light, waxaa Dib-qalooca uu soo saaraa suntiisa, taas oo halkeedii garaam laga soo saari karo 20-kun illaa 50-kun oo dhibcood oo ah dawada loo adeegsado qaniinyada halaqyada.

Halkii garaam ee suntaasi waxaa lagu iibiyaa $10,000, waxa uuna Boshta u iib geeyaa dalalka Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo kasoo saara dawada lagu dabiibo qaniinyada halaqyada iyo kuwo kale oo midood lagula tacaalo Dhiig-karka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan