Home / Madadaalo / 26-jir wiilkii ay haasaawe-wadaagga ahaayeen ka gudbisay dacwad

26-jir wiilkii ay haasaawe-wadaagga ahaayeen ka gudbisay dacwad

Himilo – haweeneey 26-jir ah ayaa kiis hadal hayn badan ka dhex abuuray bulshada waxey ka furtay Maxkamadda Zambia, iyada oo ku andacooneysaa in wiil ay haasaawe wadaag ahaayeen uu guursan waayay.

Gertrude Ngoma, ayaa u sheegtay maxkamadda in Herbert Salaliki uu khiyaameeyay kana lumiyay siddeed sano oo nolosheeda ah si ula kac ah, sida ay daabacday mareegta withinnigeria.

“Marnaba kama go’neyn, waana sababtaas tan aan sheekadeenna u keenay maxkamadda, sababtoo ah waxaan u mudannahay inaan ogaado mustaqbalka iga horreeyo” ayey ka hor sheegtay maxkamadda.

Isaga oo iska difaacaya eedeyntaasi ayuu Herbert garsoorka u sheegay inuusan haysan lacag ku filan oo uu ku gali karo aroos, waxa uuna ku eedeeyay Ngoma inaysan siin waqti waafi ah oo uu ku diyaar garoobi karo.

Garsoorka ayaa kula taliyay inay xaliyaan mushkiladooda, wadaxaajoodkana uu yahay wadada kaliya oo ay ku gaari karaan guur, maadaama aanan kiiska loo hayn kiiska cadeeymo ku filan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan