Himilo – Lix iyo labaatanka Juun waxay xasuus gaar ah u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadaba. Sababta ay qalbiyadooda ugu suntan tahay waa markii ugu horreysay ee uu curtay dedaalkii gobanimo gaarsiinka dalka ee dadkeennu soo galeen.
Halgan qaaday muddo dheer oo ay wadeen naftood hurayaal ka gilgishay heeryadii gumeystihii reer Yurub ayaa miro dhalay 26 Juun sanadkii 1960. Waa markii calanka buluugga ah ee lagu hayb sooco ummadda Soomaaliyeed lagu muday ciiddeenna gaar ahaan gobalada waqooyi.
Dadka Soomaaliyeed waxay sanado is gaaray naawilayeen inay mar uun yeeshaan waddan xor ah iyo dawlad u adeegta. Sidaas darteed, waxay sugi la’aayeen inay guddoomaan madax-bannaani u horseeda awood,wadajir, barwaaqo iyo nabadgelyo dhexdooda ka taabba-gasha.
Filashadooda waxay gaarsiisneyd meel aad u sarreysa. Waxaa u sawirneyd inay isdaynayaan dhibaato oo dhan. Waxay hamuun weyn u qabeen yagyeelidda dawladnimo sal adag oo ka hana qaada dhulkooda oo ay kula tartamaan umadaha dhigooda ah.
Dareenka jiray ayaa ahaa in xorriyaddu ay ibo fur u noqoto isku keenidda Soomaalida ku kala qoqobneyd (Weli) waddamadii uu gumeystuhu hoos geeyay. Hase-yeeshee, filashooyinkii ku dhex noolaa halgamayaasha iyo shacabka ayaan u dhicin sidii lagu waday.
Lixdan iyo labo sano kadib gobaladii waqooyi ee Soomaalida kale ugu gacan haatinayay is-raaca iyo midnimada maanta si aan gabasho laheyn waxay ugu celcelinayaan inay Soomaalida ka go’een oo ay yihiin dal iskii u taagan.
Dedaalkii ay ku bixinayeen 60 sano ka hor midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxay u weeciyeen halgan aqoonsi raadis ah oo u socda gu’gii 31aad. 26-ka Juun Muqdisho iyo Hargeysa weli waa laga wada xusaa balse waxaa ka kala jira duwanaan.
Taariikhdan ma guurtada ah waxay ku diiwaan gashan tahay raarta maskaxdeenna. Waxay la gu’ tirsan doontaa lana sii jireysaa Jiilasheenna danbe cimrigooda. Bal se duruufaha jira ayaa hoos u dhigi kara xasuusteeda haddii ay sii jiraan oo aan xal wanaagsan loo helin mustaqbalka.