Home / Macluumaad / 27 Juun: Maalinta ay gobanimada heleen walaalaha reer Jabuuti

27 Juun: Maalinta ay gobanimada heleen walaalaha reer Jabuuti

Himilo – Dadka reer Jabuuti taniyo 1888-kii waxay siyaabo kala ugu jireen xukunkii gumeystihii Faransiiska. Intii u dhaxeysa 1896–1967 waxaa loo yaqaanay French Somaliland. Si la mid ah, 1967–1977 waxaa la oron jiray dhulka Faransa ee canfarta iyo Ciisaha.

Shacabka marna niyadooda kama aysan marneyd inay heli doonaan madax-bannaani. Balse waxaa dedaalkooda joogto u xagal daacin jiray gumeystaha iyo intii la shaqeyneysay. Dhowr mar oo dadweynaha laga qaaday afti ayaa la weeciyay rabitaankoodii.

1958 markii xorriyadii Soomaaliya ay soo dhawaatay waxaa la qabtay afti dadka reer Jabuuti lagu weydiinayay inay Soomaaliya ku biirayaan inay ka sii mid ahaanayaan Faransa balse natiijada ayaa noqotay mid lama filaan ah markii la sheegay inay dadku doorteen ka sii mid ahaanshaha Faransa.

Mar kale 1967, waxaa la qabtay afti labaad oo shacab balse natiijada ayaan tii hore waxba kaga beddelneyn. Labada aftiba -1958 iyo 1967- waxaa hareeyay eedeyn ah inay ahaayeen gacan ku rimis loo diyaariyay dad gooni oo taageersanaa gumeystaha ama dad si gaar ah loo beer-laxawsaday.

Siddeedii May 1977, waxaa la qabtay afti saddexaad. Markan si farxad leh 98.8% dadweynuhu waxay u codeeyeen inay noqdaan waddan xor ah oo ka madax-banaan faransiiska. Ugu danbeyn, Jabuuti waxay noqotay dal iskii u taagan 27 juun 1977 oo maanta la xusayo kolkii 45aad.

Waxay sidaas u ku noqotay dalkii ugu danbeeyay ee Afrikaan ah ee xorriyadda ka qaaday gumeystihii faransiiska. Xasan Guuleed Abtidoon oo dowr weyn ka qaaday ololihii gobanimada ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee ka taliya Jabuuti oo ah dal madax-bannaan

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan