Home / Maalmaha Caalamiga / 27 September – Maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska Aduunka

27 September – Maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska Aduunka

Himilo- Maalinta caalamiga ah ee dalxiiska waxaa la xusaa 27 september sanad waliba tan iyo sanadkii 1980kii. Sanadkii 1970 waxaa lasameeye hey’adda UNWTO oo ah hey’ad qaabilsan dalxiiska. Dalxiisku waxa uu qeyb weyn ka qaataa isdhaxgalka bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dunida.

Dhacdada loogu dabaaldago maalintan waxaa loogu baaqaa dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah inay maalgalin ku sameeyaan dalxiiska.

Sanadkan maalinta caalamiga ah ee dalxiiska waxaa marti galinaya boqortooyada Sacuudiga waxa uuna hal ku dhaga yahay ‘Maalgalinta deegaan cagaaran’.

Nolosha malaayiin ruux oo ku nool caalamka ayaa ku tiirsan dalxiiska, halka dowlado badan uu u yahay isha ugu wayn ee dhakhli ka soo gala.

Dal-xiisku wuxuu ka mid noqday dhinacyada uu saameynta taban ku yeeshay Feyruska Corona sanadihii 2020 iyo 2021 kaas oo xayiraaddii ka dhalatay ay qasabtay in albaabada la isugu dhufto goobo badan oo loo tamashle tagi jiray.

Dalxiiska waxa uu toban boqolkiiba ka yahay wax soo saarka guud ee caalamka, iyada oo mid ka mid ah tobankii qof ee ku jira suuqa shaqada uu ka shaqeeyaa dalxiiska.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan