Home / Aragtida Islamka / Giriiga: Masaajid Qarni xirnaa oo dib loo furay

Giriiga: Masaajid Qarni xirnaa oo dib loo furay

Himilo- Giriiga ayaa dib u furay masaajid taariikhi ah oo ku yaala waqooyiga magaalada Thessaloniki, markii ugu horeysay muddo qarni ka badan, waxaana la ogolaaday in lagu tukado salaada Ciidul Fidriga.

Qiyaastii 100 qof ayaa ku tukaday salaadda ciidda Masaajidka “Yeni” kaasoo markii ugu dambeeysay oo Salaad lagu tukado waxay ahayd horraantii 1920-meeyadii.

Dagaal dhexmaray Giriiga iyo Turkiga ayaa sababay is dhaafsi dadweyne oo labada dal u dhexeeya kaas oo hoos u dhac ku keenay tirada muslimiinta magaalada.

23-jir Turki ah oo dhaqaalaha bartay kuna nool magaalada ayaa munaasabadan ka yiri:”Waxaan ku noolaa Tesaloniika afar sano, tani waa markii ugu horreysay oo aan fursad u helo inaan la tukado qoyskayga Muslimka ah”.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan