Home / Macluumaad / 28 April – Maalinta Caalamiga ee Badbaadada iyo Badqabka Goobaha Shaqada

28 April – Maalinta Caalamiga ee Badbaadada iyo Badqabka Goobaha Shaqada

Muqdisho – Maalin kasta, 6,300 oo qof ayaa u dhinta natiijada shilalka ku yimaada howl-maalmeedkooda ama siyaalo kale oo la xiriira – in ka badan 2.3 milyan oo xoogsato ama shaqaale ah ayaa sanadkiiba u geeriyooda. 317 milyan oo shilal ah ayaa ku yimaada shaqaalaha ama xoogsatada ku guda-jira howl-maalmeedkooda.

Sanadkan 2017, Ol’olaha Ururka Shaqaalaha Caalamiga ee International Labor Organization ama ILO ee ku asteysan xuska Maalinta Caalamiga ee Badbaadada iyo Caafimaadka Shaqada waxaa diiradda lagu saarayaa baahida muhiimka ah oo dalal badan ay sare ugu qaadi karaan heerka wacyi ee badbaabada, ilaalinta iyo daryeelka caafimaadka shaqooyinka shaqaalaha si loo hubsado nabad-galyadooda iyo siday ku joogteyn karaan doorka ay kaga jiraan dhismaha iyo horumarka bulshooyinka.

Maalinta Caalamiga ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada shaqaalaha waa ol’ole caalami ah kaas oo sanad kasta la qabto 28-ka bisha April. Waxaana taniyo sanadkii 2003-da soo qaban-qaabinaysay Ururka Shaqaalaha Caalamka.

Sida lagu qoray bogga Urur-weynaha Shaqaalaha Caalamka ILO, in ka badan 2 milyan oo isugu jira lab iyo dhedig xoogsato ah ayaa u geeriyooda shilal iyo cudurro la xiriira howlahooda. Tani waxay ka dhigan tahay dhamaadka shaqada maalinlaha ah in hal milyan oo shaqaale ah ay halis ugu jiraan shilal iyo cudurro kaga yimaada gudashada shaqooyinkooda – halka 5,500 oo shaqaale ahna u dhintaan maalin walba.

Ilaalinta badbaadada iyo badqabka deegaanka ay ku shaqeynayaan shaqaalaha caalamka looma wada sinna ee waa loo kala dhow yahay. Waxaana hubanti ah in dunida soo koreysa siiba qaaradda Afrika xoogsatada ku nool ay dhibane u yihiin helid la’aanta ku shaqeynta xaq kamid ah xuquuqda aasaasiga ah ee shaqaalaha.

Dunida kale, waxaa jira tallaabooyin iyo kahortag had iyo jeer loo tilmaamo shaqaalahu inay ku howl-galaan. Tusaale ahaan, goorta ay tahay inay howl-galaan; siday ku howl-galaan; agabka ay ku howl-galaan iyo wixii lamid ah waxay ku sugan yihiin maskaxda shaqaalaha markay gudabayaan waajibaadkooda. Waxayna ku raaxaystaan heliddeeda.

In kasta oo aan laheynin tira-koob sax ah oo lagu ogaado tirada xoogsatada Soomaaliyeed ee u geeriyooda shilalka ama cudurrada la xiriira howlaha ay ka shaqeeyaan, hadana waxaa cad inay ku jiraan heerarka ugu liita ee lagu ilaaliyo badbaadadooda. Tusaale ahaan, xoogsatada dhismaha waxay xaq u leeyihiin inay helaan koofiyadda birta oo la yiraahdo safety Helmet  taas oo ka caawisa inay ka difaaco wax walba oo kor kaga soo dhaca – mana heystaan intooda badan. Sidoo kale, kobaha birta ah ee iyagana loogu tala-galay inay lugaha ka dhowraan dhaawacyada halista looma xiro.

Sidaas darteed, layaab malahan in marka baaldi shub ama carro culus ku jiro ay kusoo dul-dhacdo madaxa shaqaale aan loo xirin koofiyadda birta uu u geeriyoodo. Mana ahan wax la dheereysto in la arko xoogsade farihiisa gacnaha ama lugaha ku waayay bir kusoo dhacday maadaama aan loo gelin kobaha birta. Kuwani runtii waa qeyb kamid ah mushkiladaha heysta xoogsatada Soomaaliyeed. Waxaa kale oo jiri kara dhibaatooyin badan oo halistooda leh kuwaas oo ay si maalinle ah u wajahaan.

Xoogsatada oo kaliya ma ahan kuwa si maalinle ah u wajaha cudurro ama shilal uga yimaada howlahooda. Dumarka qaar ee adeegtooyinka ka ah guryaha dabaqadda dhaqaale ahaan ladan ee bulshadeenna kamid ah, waxaa iyagana loo geystaa dhib muuqda.

Jirdilku mararka qaar waa qeyb kamid ah dhibta lagu hayo. Hayeeshe  liidista, aflagaadeynta iyo in la yaso waa casharrada sida maalinlaha loogu meeriyo – si dadban iyo si toos ahba.

Dhaawacyada ku dhaca jirkooda, haddii uusan in badan soo muuqan, waxaa dhab ah in qalbiyadooda ay baaqi ku tahay mahadha xanuunka leh ee sida loola dhaqmay ka turjumeysa. Natiijada kama danbeysta ah ee lagu arko adeegtooyinka qaar ee dhul fog uga yimaada qofka ay u shaqeynayaan, waa in qaarkood ay ku dhacaan cudurro daran sida Qaaxada ama Feeraha maadaama aysan helin gogol qurxoon oo ay ku seexdaan. Waxaana taasi kasii laxaw badan marka loo gaabiyo liifadda ay ileyskeeda ku birbirsanayeen timaado qurux badan oo ay ku hirtaan mustaqbalka.

Ugu yaraan shaqsiyaadka loo shaqeeyo waa inay dareemaan waajibka ka saaraan shaqaalaha guryahooda. Marka xigtana waa inay kaliya u dhameys-tiraan xaqa ay ku leeyihiin. Haddii wax kasii dheer intaasna ay u qabtaan, waa abaal loo galay Insaan oo aan marna baadi noqon doonin. Waxaana hubaal ah inay jiraan dad samafalayaal ah oo adeegtooyinka ula dhaqma sida kuwa ay dhaleen.

Guntiina, gaar ilaalin qarameed oo la xiriirta badbaadada iyo badqabka deegaanka lagu shaqeynayo waa xaq kamid ah xuquuqaha saaran dowladda dhexe, ururrada aan dowliga aheyn, shirkadaha loo shaqeeyo iyo xittaa shaqsiyaadka guryahooda ay ka howl-galaan howl-wadeennada loo yaqaan adeegto ama booyaaso.

Shalay oo la weyneynayay Maalintoodana, waa in lagu baraarugsanaadaa daryeelkooda si aan ugu dabaal-degno dal ay xoogsatadiisu ku maal-geliyaan muruqooda.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan