Home / Maalmaha Caalamiga / 28 September- Maalinta caalamiga ee helitaanka guud ee xoggaha

28 September- Maalinta caalamiga ee helitaanka guud ee xoggaha

Himilo- Tan iyo sannadkii 2016-kii, UNESCO ayaa xusta 28-ka September maalinta caalamiga ee helitaanka guud ee xoggaha kaddib qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo loogu asteeyay maalintan xuska xaqqa helitaanka xoggaha caalamka.

Helitaanka xoggaha waaa xaq katirsan xuquuqda aadanaha oo kaalin wanaagsan ku leh dhiira gelinta isaga oo fududeeya doodaha wanaagsan islamarkaana fursado loo simman yahay siinaya dadka oo dhan.

Xaqqa helitaanka xoggaha ayaa sidoo kale riixa in la helo dowladnimo adag oo ku tilmaaman daah-furnaan iyo isla xisaabtan iyadoo tani u goggol xaarayso xurriyadda hadalka, dhaqanka iyo kala duwanaanta afafka.

Sababtan awadeed, xaqqa helitaanka guud ee xoggaha waa tiir weyn oo kamid ah ajandaha QM ee sannadka 2030-ka

Hay’adda UNESCO ayaa kaalin ka qaadanaysa dhismaha bulsho u dhan aqoonta iyadoo la dhiira gelinayo xurriyadda hadalka, horumarinta warbaahinta iyo sidii bulshooyinka u heli lahaayeen xaqqa xoggaha.

Sannadkan 2019, waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “ in aan qofna laga tagin,” waxaana hay’adda UNESCO ay munaasabad weyn oo ku saabsan dhacdadan ku qabanaysaa magaalada  Lima ee Peru.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan