Home / Habka-Nolosha / 29 sano kaddib Giggs oo isaga tegay Old Trafford

29 sano kaddib Giggs oo isaga tegay Old Trafford

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay in Ryan Giggs uu soo gebagabeeyay heshiiskii uu kooxda kula joogay, isagoo Red Devils ka tirsanaa 29kii sano ee gudbay.

Macallin ku xigeenkii kooxdan ayaa u saftay waayihii cayaartoy United 963 kulan isagoo kula guuleystay 13 goor horyaalka Premier League, labo European Cup, Afar FA Cup iyo Afar League Cup inta aanu cayaaraha ka fariisan 2014.

Wixii intaa ka danbeeyay caawiye ayuu u ahaa macallimiintii kooxda soo hogaamisay David Moyes iyo Louis Van Gaal, isagoo labo sano hortood helay cadeynta iyo ogolaanshiyaha uu maareeye ku noqon karo.

Mareegta bulsheed ee kooxdiisii hore ayuu Giggs kusoo qoray “Waa waqtigeedii, walow aanu jirin degdeg aan ku doonayo inaan maareeye ku noqdo, waase halkii aan doonayay inaan gaaro, waa waqtigii cutubka cusub iyo loolanka cusub, waanaan ku riyaaqayaa mustaqbalka.”

Rui Faria oo saaxiibo dhow ay yihiin Jose Mourinho ayayna u badan tahay booskii uu baneeyay Giggs inuu la wareegi doono.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan