Home / Macluumaad / 29 sano kaddib wiil aabihii la midoobay kolkii uu ka baafiyay mareegta Facebook
Man reunites with dad after messaging him six years ago on Facebook Credit: Twitter

29 sano kaddib wiil aabihii la midoobay kolkii uu ka baafiyay mareegta Facebook

Aaladaha bulshadu ku badan yihiin isticmaalkooda sida Facebook ayaa muhiimad u leh in badan oo kamid ah dadka isticmaala, iyadoo ay jiraan sababo kala gedisan oo dadkaa ay u isticmaalaan.

Inbadan oo kamid ah da’yarta soo kaceysa ayaa toddobaadkan mareegaha bulshadu ku kulmaan ugu dabaaldegaya maallin loo asteeyay ahaanshiyaha maallinta Aabaha.

Hanaanka dabaal dega da’yartaa mid ka duwan waxaa la yimid Terrell Starr oo Aabihii lix sano kahor ka baafiyay Facebook ugu danbeyna la kulmay Aabihii oo uusan noloshiisa arag.

Terrell Starr iminka waa 35 jir, wuxuuna kula noolaa ayeeyadii Detroit oo ah magaalada ugu weyn gobolka harooyinku ku xeeran yihiin Michigan ee dalka Mareekanka.

Terrell hooyadii fursad uu kula joogo ma uusan helin waayo waxay ku jirtaa howl ciidan, weligiina kahor maanta fursad uma uusan helin inuu indho saaro Aabihii isaga dhalay.

Wiilkan ayaase kolkii uu jiray 29 sano, lix sano hortood, sanadkii 2009 bilaabay isticmaalka aaladda Facebook, isagoo markaa ku soo qoray qoraal baafin ahaa oo uu ku raadinayay Aabihii, wuxuuna qoraalkiisa u diray magac walba oo Akoon Facebook ah una qornaa Chris Truesdale.

Ugu danbeyn Aabihii Chris Truesdale ayuu helay xilli hooyadii ay ku hungowday baafintiisa markii ay ogaatay in uurka Terrell ay qaaday xilli Chris laga bedalay xeradii ciidan oo ay isku barteen.

Terrell oo wareysi bixinayay maanta ayaa tilmaamay inuu dareemay baahida uu u qabo Aabe si ka daran goortii uu yaraa.

Aabaha 35 jirkaan Chris Truesdale ayaa isna xusay in waqtigii ugu haboonaa uu wiilkiisa helay isagoo carabaabay in Computer uu soo iibsaday kahor labo toddobaad inta aysan soo gaarin fariinta wiilkiisa, uuna farxad badan dareemayo iminka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan