Himilo FM – Inkastoo sannadka 2018 uu ahaa mid cajiib ah oo ay ciyaatoy badan muujiyeen in ay leeyihiin hal abuur lagu qanci karo sida Luka Modric, Kylian Mbappe, Raphael Varane iyo Antoine Griezman, kuwaasi oo guulo la taaban karo la gaaray xulalkooda iyo kooxahooda, taasi waxay sabatay in la ilaabo kabtanka Barcelona Lionel Messi.
Messi waxa uu sannadkii tagay ku guuleystay horyaalka La Liga iyo Copa del Rey.Waxa uu sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya qaaradda Yurub isagoo dhaliyay 34 gool, waxa uuna caawiyay 12 gool, 36 kulan oo LaLiga ah oo uu u saftay kooxda Barcelona, waa wax iska cad oo aan la dafiri karin kaddib markii uu seegay inkastoo uu u muuqdo seddexda kaalin ee ugu sarreysa abaalmarinada UEFA, FIFA iyo Ballon d’Or sanadkan.
Ku guuleystaha shanta jeer ee abaal marinta Ballon d’Or, ma aheyn meel uu filanayay inkastoo tiigsanayo kaalimaha abaalmarinadaan. Sidaa daraadeed, waxaanu idin soo gudbineynaa 3 waxyaabood ee uu dheemanka reer Argentine mar kale dib ugu soo laabanayo shaashadaha abaal marintan.
1-In uu Joogteeyo xukunka horyaalka La Liga.
Shaki kuma jiro in Lionel Messi uu yahay mid kamid ah laacibiinta ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta dunida, isagoo si cad ugu tallaabsaday 71 gool iyo 21 caawin labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay horyaalka La Liga. Taasi waa mid kamid ah waxyaabaha uu u baahan yahay si uu u sii wado dib ugu soo kabsashada hibadiisa uu duinda caanka ugu noqday.
Iyadoo uu Cristiano Ronaldo ka tagay horyaalka Spain kuna biiray horyaalka Serie A xaggaagan,tani waxay Messi u tahay wax uu mar kale ku muujin karo mucjiso,maadaama uusan jiri doonin xafiiltan u dhaxeeya isaga iyo Ronaldo,kaasi oo la loolami jiray wakhtigiisii Santiago Bernabeu. Sidaa darteed, Lionel Messi waa in uu gacmahiisa xoojiyo siina wado in uu koobabka maxalliga kula guuleysto Barcelona si uu dib ugu soo laabto laacibka adduunka.
2-Ku guuleysiga UEFA Champions League
Kaddib markii uu ku guuldareystay inuu Barcelona ka caawiyo in uu la qaado tartanka qaaradda Yurub seddexdii sanno ee la soo dhaafay,waa run in Lionel Messi uu u baahan yahay inuu mar kale ku soo laabto guulaha UEFA Champions League, si uu mar kale ugu soo u muujiyo waxa uu dunida ka yahay.
Messi ayaa u balan qaaday taageerayaasha Barcelona markii loo magacaabay kabtanka Barcelona in uu sameyn doono wax walba si uu u xaqiijiyo in uu koobka Champions League keeno Nou Camp xilli ciyaareedkaan.
Ciyaaryahanka reer Argentine ayaa raacay balanqaadkiisa ku aadan qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee tartankan ilaa iyo haatan – wuxuu dhaliyay 6 gool iyo 1 caawin 4 kulan oo uu dheelay. Haddii uu sidan wax ku sii wado waxaa suuragal ah in uu mar kale maamulo kubadda cagta Dunida.
3-Ku guuleysiga Ballon d’Or
Lionel Messi ayaa horey ugu guuleystay abaalmarinta ugu fiican ee kubadda cagta Ballon d’Or afar jeer oo xiriir ah,intii u dhaxeysay 2009 iyo 2012,waxa uu ku guuldareystay in uu sii wado joogteynta abaal marintan isaga oo kaliya ku guuleystay hal jeer abaal marintaan afartii sanno ee lasoo dhaafay.
Qeybta ugu liidata ayaa ah in xiddiga reer Argentine uu ku guuldareystay in uu kamid noqdo liiska ugu dambeeya abaalmarintan sannadkan iyadoo tani ay noqoneyso markii ugu horreysay ee uu kasoo muuqan waayo seddexda ugu sarreysa jaa’isadaan tan iyo 2008, waase wax laga xishoodo ah inay tani ku dhacdo mucjisada.
Sidaa darteed, Lionel Messi waxa uu u baahan yahay inuu kor u qaado islamarkaana uu nafsadiisa siiyaa sida ugu fiican iyo halka ugu muhimsan, islamarkaana uu hubiyo in uu ku dhiiri geliyo kooxdiisii iyo waddankiisa tartamada oo dhan, si uu u ugu dhex muuqdo abaalmarinta sharafta leh iyo in uu dib u soo ceshado sharaftiisa.