Home / Maalmaha Caalamiga / 3-da August- Maalinta caalamiga ee qaraha/xabxabka

3-da August- Maalinta caalamiga ee qaraha/xabxabka

Himilo –Sannad kasta 3-da August, waxaa meelo badan oo dunida ah laga xusaa maalinta caalamiga ee qaraha ama xabxabka oo laga helo faa’iidooyin caafimaad sida ay warinayaan khubarada caafimaadka.

Nena Zatefa oo ah agaasimaha xarunta lagu baaro cuntooyinka iyo dhirta ee magaalada Moscow ayaa sheegtay in uu jiro hannaan loo maro hubinta biseylka xabxabka.

Waxaa kamid ah hannaanka in qaraha la jeexo islamarkaana la eego gudahiisa, taasi oo muujin karta heerka biseylkiisa oo ku xeran iibsashada macaamiilka.

“Marka aad gacantaada ku jeexdo qaraha, waxaad maqleysaa cod hoose,” ayay Nena u sheegtay wakaalada wararka Novosti.

Haweenayda ayaa intaa raacisay in qofka loo baahan yahay in uu hubiyo in midabka xabxabka uu yahay mid cas islamarkaana miraha yihiin madow taasi oo kuu caddeyn karta in uu leeyahay dhadhan macaan.

Wax-soo saarka qaraha ama xabxabka cas ee caalamka ayaa lagu qiyaasaa 26.7 Milyan oo tan sida lagu sheegay tirakoobyada hay’adda FAO ee 2004-tii.

Dalalka ugu badan ee soo saara xabxabka waa Shiinaha oo loo tiirin karo 71% wax-soo saarka dunida oo dhan. Waxaa kaalinta 2aad ku jira Turkiga iyadoo ay soo raacayaan dalalka Iiraan, Brazil, Mareykanka, Kazakhstan, Masar iyo Algeria.  

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan