Home / Arrimaha Bulshada / 3-jir laga badbaadiyay Aabiteey

3-jir laga badbaadiyay Aabiteey

Himilo – Waxa ay ka mid ahayd dad u dabaal-degayay munaasibadda maalinta Aabiteeyda wadanka Tiawan,xuskaasi oo sanadkiiba soo jiita kumanaan ruux.

Lin,ayaa si kadis ah u qabatay xarigga aabiteydan oo xajmi ahaan wayn,iyada oo durbadiiba hawada la gashay.

Daawadayaal argagaxsan ayaa markiiba ku qeyliyay badbaadiya gabadha,markaas oo ay dhulka u jirsatay illaa 100-fiit amaba 30-mitir.

Muddo 30-biriqsi ah kadibna aabiteydii ayaa dhulka kusoo laabatay,wax dhaawac ahse ma gaarin Lin marka laga reebo inay naxday,sida ay wariyeen warbaahinta Shiinaha.

Muuqaalka dhacdadan oo ahaa mid argagax leh ayaa markiiba lagu baahiyay baraha Bulshada.

Maamulka magaalada Hsinchu ee uu shilka ka dhacay ayaa joojiyay dabaaldegga,iyada oo duqa magaalada Lin Chih-chien uu raali galin bixiyay.

Waxa uu sheegay inay ka xun yihiin waxa dhacay,lana xisaabin doono dadkii ka danbeeyay falkaasi.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan