Home / Maalmaha Caalamiga / 3 May – Maalinta xurriyadda saxaafadda

3 May – Maalinta xurriyadda saxaafadda

Himilo – Sannad kasta, 3 May waa taariikh loo dabaal-dego tiirarka aasaasiga u ah xurriyadda saxaafadda si loo qiimeeyo heerka xurriyadeed ee warbaahinta dunida; loogana difaaco weerarrada ku foolan madax-bannaanidooda iyo in ugu danbeyntii tacsi loo diro ehellada suxufiyiinta u geeriyooda gudashada waajibaadkooda.

Maalinta Caalamiga ee Xurriyada Saxaafadda waxaa sannadkii 1993-kii ku dhawaaqay Kal-fadhiga Guud ee QM kaddib talo soojeedin ka timid shir weynihii UNESCO ee la qabtay sannadkii 1991. Tani waxay daba socotay jawaab laga bixinayay yeermo katimid suxufiyiinta Afrika kuwaas oo soo saaray ajendihii Windhoek Declaration.

Waxay maalintani ka dhigan tahay dhacdo lagu muujiyo muwaadiniinta lagu wax-yeelo xurriyadda hadalka – laguna tilmaamo in xarumo warbaahineed oo dunida oo dhan ku kala yaalla ay la kulmaan ganaax, eedeyn iyo af-qabad; halka suxufiyiin kala duwanna ay ku dhacaan handadaad, cabsi-gelin, xarig, shirqool, dil iyo musaafurin.

Waa maalin la is xusuusiyo dhiirri-gelinta iyo horumarinta dhaq-dhaqaaqyada lagu doonayo kobcinta xurriyadda saxaafadda iyo in la qadariyo kaalinta xurriyada saxaafadda dunida ku leedahay.

3 May waxay u dhaqantaa sida shinbir dhanbaal u sida dowladaha looga baahan yahay inay xushmeeyaan ka go’naantooda xurriyad-siinta saxaafadda, waana maalin qeybaha ku lugta leh saxaafadda ay isla eegaan baahinta suuban iyo adeegga ay ku fulinayaan xurriyadda ay u helaan tebinta macluumaadka.

Waa maalin sidoo kale taageero loogu muujiyo saxaafadda la dhibban tacaddiyada nuucyadiisa kala duwan si kor loogu qaado wacyiga ay ku dhex leeyihiin horumarinta bulshooyinka – iyada oo maanka lagu hayo in kuwa u dhinta gudashada howlahooda warbaahineed ay mar iyo marar mudan yihiin in la weyneeyo kaalintooda.

Kooxda u doodda kahor-tagga suxufiyiinta ayaa sheegtay in sanadkii 2011 uu ahaa sanad murugo ah suxufiyiin badan. Ku dhawaad 37 wariyaal ah ayaa ku dhintay Suuriya; 11 waxaa lagu kala dilay dalalka Mexico iyo Brazil – halka lixna lagu dilay dalka Honduras.

Hey’adda CPJ ayaa sheegtay in sanadkii 2016, suxufiyiin gaaraya 48 lagu dilay dunida dacalladeeda. Waxay qortay in sanadkii hore oo kaliya, ku dhawaad 14 suxufiyiin ah lagu dilay dalka Suuriya – halka Iraaq iyo Yemen lagu dilay min lix wariye. Sababaha dhimasho ee wariyaasha geeriyooday ayaa la tilmaamaa in loo dilay intooda

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan