Himilo – Dunida waxay wajahaysaa caqabado badan, musiibooyin iyo awoodo kala dhantaalaya midnimadeenna – sida saboolnimo, rabshado, ku xad-gudubka xuquuqda Insaanka iyo in kale – tanina waxay wiiqaysaa nabadda, nabad-gelyada, horumarka iyo xasiloonnida bulshooyinka caalamka.
Si looga hortago musiibooyinka iyo caqabadahan is barbar-yaalla, guntooda hoose iyo halka sartu ka qurunsan tahay waa in lagu caddeeyaa difaaca iyo biirinta shucuur ku midaysan wadajirka umadaha – wadada ugu fududna waa saaxiibtinimo.
Docda saaxiibtinimada, waxaan ku horumarin karnaa kalsooni iyo is aaminaad ku dhisan xiriir dhidibo adag, waxaana ku yagleeli karnaa ilaalin guud oo naga wada dhaxaysa taas oo nagu kaalmayn karta hiigsiga duni qurux badan.
Intaas waa dhanbaal ay QM soo dhigtay barteeda internet-ka oo ay kaga tiraabayso dulucda Maalinta Caalamiga ee Saaxiibtinimada.
Bani’aadanku waa uun bulsheed oo aalaaba qiimeeya muhiimadda saaxiibadu ugu fadhiyaan noloshooda. Si marka loogu dabaal-dego dareenkan hallaasiga ah, waxaa la isla gartay in maalin loo sameeyo jaallayaasha ama asxaabta si ay u xusaan saaxiibtinimada ka dhaxaysa, marka loo eego mareegta friendshipday.org.
Si is raacan, Axadda koobaad ee bisha August ayaa laga iclaamiyay gudaha Maraykanka inay tahay maalin fasax – tallaab uu Congress-ka Maraykanku ku doonayay inuu ku qiimeeyo saaxiibada sanadkii 1935. Tani iyo markaas, Maalinta Caalamiga ee Saaxiibtinimada waxay noqotay mid loo dabaal-dego sanad kasta Axadda ugu soo horreysa bisha August.
Fikradda quruxda badan oo ah in loo dabaal-dego Maalinta Saaxiibada waxaa si reynreyn leh ku aqbalay dalal dhowr ah oo xubno ka ah QM. Dalal badan sida Hindiya ayaa Axadda ugu soo horreysa bisha August sanad kasta looga dabaal-degaa Maalinta Caalamiga ee Saaxiibada.
Ugu dabaal-degista Maalinta Saaxiibada habab dhaqameedyo kala duwan, dadku waxay la kulmaan saaxiibadooda – iyaga oo meelaha qaar is dhaafsada kaarar iyo ubaxyo rucub-rucub ah si ay u sharfaan saaxiibadooda.
Ururro dhaqameed iyo kuwa kale oo aan dowli ahayn ayaa sidoo kale u dabaal-dega xafladda lagu weyneynayo Maalinta Saaxiibada – iyaga oo qabanaya barnaamijyo iyo isku imaatin.
Si kastaba, taariikhda yoolka ay ka timid Maalintan waxaa dib loogu celiyaa Joyce Hall, oo ah helaha Hallmark cards sanadkii 1930-kii. Wuxuuna ugu tala-galay inay noqoto maalin dadku ay asxaabtooda kaarar iyo ubax kula wadaagaan farxadooda.
Waxaa kale oo xusid mudan in la ogaado in ururro badan ay Maanta oo kale ugu dabaal-degaan qaabab kale xilliyada qaar ee sanad kasta. Tusaale ahaan, Maalinta Saaxiibada Qaranka, Maalinta Haweenka Saaxiibada ah, Bisha Caalamiga ee Saaxiibtinimada oo ah Febraayo iyo toddobaadka saaxiibada gaboobay iyo kuwa cusub oo iyadna loo dabaal-dego.
Haddaba, helidda saaxiibtinimo dhaxal-gal ah oo ka wada dhaxaysa qof iyo qof; qoys iyo qoys; deegaan iyo deegaan; magaalo iyo magaalo, waxaan dhabtii ku hubsan karnaa helidda qaran Soomaaliyeed oo ku dhisan is-jaceyl, dulqaad, is afgarad, iyo ixtiraam.
Labada ugu weyn ee aan maanta oo kale u baahannahay inaan isku baraarujino ayaana ah garsoor cadaalad ku salaysan iyo gacaltooyo saaxiibtinimadeedu gun dheer tahay.