Home / Maalmaha Caalamiga / 30-ka September- Maalinta Caalamiga ee Turjumada

30-ka September- Maalinta Caalamiga ee Turjumada

Himilo- Maalinta Caalamiga ee Turjumada waa fursad lagu muujiyo shaqada wanaagsan ee xirfadlayaasha afafka khalaad kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata isu soo dhaweynta dalalka, fududeeya wadahadalka, isfahamka, wadashaqeynta islamarkaana xoojiya nabadda iyo amniga caalamka.

Turjumida xirfadda leh ee hagaagsan iyo eray-bixinta habboon waxa aan looga maarmeyn xiriirka dadka iyada oo kaalin toggan ka geysanaysa isdhaxgalka bulshooyinka dunida.

Bishii May ee sannadkii 2017-ka, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar ku ansixiyay kaalinta xirfadlayaasha turjumida sida inay isku xeraan dalalka islamarkaana adkeeyaan nabadda iyo horumarka. Waxaana 30-ka September loo asteeyay maalinta caalamiga ee Turjumida.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan