Home / Deegaan / 31 October – Maalinta Caalamiga ee Magaalooyinka

31 October – Maalinta Caalamiga ee Magaalooyinka

Himilo- Maalinta Magaalooyinka Caalamka waxaa sannadkii 2013-ka ku dhawaaqay Kal-fadhiga Guud. Taniyo markaas 31 October sanad kasta ayaa loo dabaal-degaa.

Markii ugu horreysay xuska Maalinta Caalamiga ee Magaaloobidda waxaa lagu qabtay Shanghai dalka Shiinaha 31 Oct sanadkii 2014. Waxaana halheys looga dhigay horseedka is-beddelka magaalooyinka.

Xilli dunida maanta ay wajahayso kororkii ugu ballaaran ee kobaca magaaloobidda taariikhda la hayo – halkaas oo malaayiin qofood ay kusoo shubmayaan magaalooyinka, waxay yeelayaan muuqaal aad uga fog sanadba sanadaha xiga.

Waana sababta keentay in QM ay maanta oo kale u aqoonsato maalin la is xusuusiyo waxa ka jira magaalooyinka.

Ku dhawaad 54% dadweynaha caalamku waxay ku nool yihiin magaalooyinka taas oo lasii saadaalinayo inay u sii guurayso 66% marka lagaaro sannadka 2050-ka.

Si kale marka loo yiraahdo, 60% in ka badan dhulweynaha caalamka waxaa lagu wadaa inay magaaloobaan marka la gaaro sannadka 2030-ka. Waxaana kol hore billowday sansaantii dhismayaashii lagu magaalayn lahaa.

Tirada dadweynaha ku nool magaalooyinka waxay kasoo sara kacday 3.9 bilyan sanadkii 2014-ka – halkii ay ka ahayd 746 milyan sannadkii 1950-kii, marka loo eego QM.

Marka lagaaro sannadka 2020-ka, kala bar dadka ku nool qaaradda Asia waxaa la filayaa inay ku noolaadaan magaalooyinka – halka qaradda Afrika loo badinayo 50% in muwaadiniinteedu ay ku noolaan donaan magaalooyinka marka la gaaro 2035-ka.

Reer miyiga ugu badan caalamka oo gaaraya 853 milyan waxay ku nool yihiin dalka Hindiya – waxaana soo labeeya Shiinaha oo ah 666 milyan.

Magaalooyinku laga yaabee inay hoy u noqonayaan tirada isasoo taraysa oo dadweyne ah, hayeeshe waxay oogada dhulka oo dhan kaga fadhiyaan 1%.

Haddii aan hadda lasii bilaabin tallaabooyin la iskugu dheelli-tirayo baahida xad-dhaafka ah ee ka jirta magaalooyinka iyo dadka oo ugu danbeyn kasoo dhamaanaya nolosha miyiga, saadaasha ah nuuca ay u ekaan doonaaan magaalooyinka ayaa ku sugan hubaal la’aan.

Is-bedellada cimillada iyo hab-wareega nololeed ee deegaanka waxaa gunta hoose ee xalkeeda laga anba-qaadi karaa sare u qaadista nolosha bulshooyinka sida qeyrul-caadiga ah uga soo fatahaya magaalooyinka.

Inaan qorshe loo sameynin tayaynta nolosha magaalooyiinka, waxay culeyska jira ee cimilada iyo wasaqoobidda hawada waxay liifadda usii gaabinaysaa in xal waara laga gaaro.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan