32-jirka gacmaha la’ ee ciyaara kubadda Miiska

Himilo – Maxamed Ikram oo u dhashay Pakistaan waxa uu ka dhabeeyay riyadii uu mudada ku taamayay, inkastoo uu gacmo la’aanta ku dhashay haddana waxa uu ciyaaraa kubadda Miiska.

Waqtigiisii dhallaannimo waxa uu kusoo qaatay daawashada ciyaartaasi, isaga oo ka dhuumanaya dadka kale ayuu xilliyada qaar isku dayi jiray ciyaaristeeda, isaga oo adeegsanaya garkiisa.

32-jirkaan ku nool gobolka Punjab, waxey ku qaadatay muddo sideed sano ah inuu tago miiska lagu ciyaaro kubadda gacanta lagu dheelo ee Snooker-ka. Billawgii oo uu helay xiddigo dhiiri galiya ayaase caawiyay.

“Waxey ii sheegi jireen inaan ahay qof leh hibo gaar, taas ayaana banaanka usoo saartay wixii ii qarsoonaa” ayuu Ikram u sheegay muuqaal baahiyaha Reuters.

Hadda waxa uu ka tirsan yahay kooxda Cuemaster Snooker Club, Mian Usman Ahmed oo naadiga qeyb ka leh ayaa ammaanay ciyaarta Maxamed Ikram, isaga oo sheegay in dhawr biladood uu ku guuleystay labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxa uu leeyahay taageerayaal kuwaas oo ka dalbada inuu la cunteeyo markii ay arkaanba.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan