Home / Arrimaha Bulshada / 32-jirka gacmaha la’ ee ciyaara kubadda Miiska

32-jirka gacmaha la’ ee ciyaara kubadda Miiska

Himilo – Maxamed Ikram oo u dhashay Pakistaan waxa uu ka dhabeeyay riyadii uu mudada ku taamayay, inkastoo uu gacmo la’aanta ku dhashay haddana waxa uu ciyaaraa kubadda Miiska.

Waqtigiisii dhallaannimo waxa uu kusoo qaatay daawashada ciyaartaasi, isaga oo ka dhuumanaya dadka kale ayuu xilliyada qaar isku dayi jiray ciyaaristeeda, isaga oo adeegsanaya garkiisa.

32-jirkaan ku nool gobolka Punjab, waxey ku qaadatay muddo sideed sano ah inuu tago miiska lagu ciyaaro kubadda gacanta lagu dheelo ee Snooker-ka. Billawgii oo uu helay xiddigo dhiiri galiya ayaase caawiyay.

“Waxey ii sheegi jireen inaan ahay qof leh hibo gaar, taas ayaana banaanka usoo saartay wixii ii qarsoonaa” ayuu Ikram u sheegay muuqaal baahiyaha Reuters.

Hadda waxa uu ka tirsan yahay kooxda Cuemaster Snooker Club, Mian Usman Ahmed oo naadiga qeyb ka leh ayaa ammaanay ciyaarta Maxamed Ikram, isaga oo sheegay in dhawr biladood uu ku guuleystay labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxa uu leeyahay taageerayaal kuwaas oo ka dalbada inuu la cunteeyo markii ay arkaanba.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan