Home / Caafimaad / 4 Febraayo- Maalinta caalamiga ee cudurka Kansarka

4 Febraayo- Maalinta caalamiga ee cudurka Kansarka

Himilo – Sanad kasta maanta oo kale, 4 Febraayo waxaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee kansarka. Yoolka maalintan waa in la dhiira geliyo lana xasuusto dhibanayaasha cudurkan nuucyada badan. Waxaa kale oo looga dan leeyahay xuska maalintan in la sameeyo wacyi gelin la xiriirta khatarta cudurka, astaamaha lagu garto iyo sida ugu habboon ee ah in wakhti hore la oggaado.

Ku dhawaad 8 Milyan oo qofood ayaa u dhinta cudurkan sanad kasta, waana sababta abuureysa walaaca iyo walwalka ugu badan ee laga qabo xanuunkan. Dhibanayaasha ugu badan ee cudurka waxaa la tilmaamaa inay yihiin dadka ku nool miyiga oo aan helin inta badan daryeel caafimaad.

Xuska maalintan caalamiga ah waxaa looga dan leeyahay in kor loogu qaado wacyi gelinta bulshada iyo in la dhiira geliyo kahortagiisa.

Khubarada caafimaadka ayaa ku xusay qoraal la dhigay bogga hay’adda caafimaadka adduunka in habka cuntada saameyn tabban ku leeyahay kororka xaaladaha la xiriira cudurka kansarka.

Waxaa warbixinta lagu xusay cuntooyinka horseedi kara cudurka kansarka sida kuwa cusbada ku badan tahay. Waxaa la tilmaamay isticmaalka badan ee cuntada leh cusbo xad dhaaf ah inay keeni karto kansarka nuuciisa ku dhaca caloosha.

Waxaa kale oo laga digay hilibka la mariyo warshadaha ee qiica uu gaaro. Waxay qofka u horseedi karaan khatarta xanuunka kansarka gaar ahaan midka haleela caloosha iyo beeryaraha. Khubarada caafimaadka ayaa xusay in hilibka uu gaaro qiica ee lagu kariyo heer kul sare inay khatar badan ka imaan karto.

Waxaa kale oo keena xanuunka kansarka isticmaalka badan ee Alcohol-ka. Daraasaddo badan ayaa xiriir ka dhaxeysiiyay kansarka iyo Alcohol-ka oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo.

Tan iyo muddo, Kansarku waxa uu kamid ahaa cudurrada laga diiwaan geliyo Soomaaliya hase ahaatee waxay su’aal ka taagan tahay xaddiga uu cudurka yahay iyo nuucyada ka jira dalka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan