Himilo FM –Sanad kasta maanta oo kale, 4 Febraayo waxaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee kansarka. Yoolka maalintan waa in la dhiira geliyo lana xasuusto dhibanayaasha cudurkan nuucyada badan. Waxaa kale oo looga dan leeyahay xuska maalintan in la sameeyo wacyi gelin la xiriirta khatarta cudurka, astaamaha lagu garto iyo sida ugu habboon ee ah in wakhti hore la oggaado.
Ku dhawaad 8 Milyan oo qofood ayaa u dhinta cudurkan sanadkasta, waana sababta abuureysa walaaca iyo walwalka ugu badan ee laga qabo xanuunkan. Dhibanayaasha ugu badan ee cudurka waxaa la tilmaamaa inay yihiin dadka ku nool miyiga oo aan helin intaba badan daryeel caafimaad.
Xuska maalintan caalamiga ah waxaa looga dan leeyahay in kor loogu qaado wacyi gelinta bulshada iyo in la dhiira geliyo kahortagiisa. Sannad kasta, waxa uu leeyahay hal-ku-dheg u gaar ah oo ku qotoma xanuunkan ku sii baahaya dunida.
Sannadkan 2019 waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “ Aniga waan ahay, waana noqon karaa.” Dadka u dhintay cudurka Kansarka sannadkii 2018 waxaa lagu qiyaasay 9.5 Milyan oo qofood, waxay ka dhigan tahay in cudurka uu galaaftay nolosha 26 kun oo qofood maalin kasta.
Waxaa laga baqayaa in tirada kororto iyadoo jiraan walaacyo ku aadan isbadalka deegaanka, tayo xummida hawada, habka nolosha iyo habka cuntada ee dad badan oo caalamka ku nool.
Khubarada caafimaadka ayaa ku xusay qoraal la dhigay bogga hay’adda caafimaadka adduunka in habka cuntada saameyn tabban ku leeyahay kororka xaaladaha la xiriira cudurka kansarka.
Waxaa warbixinta lagu xusay cuntooyinka horseedi kara cudurka kansarka sida kuwa cusbada ku badan tahay. Waxaa la tilmaamay isticmaalka badan ee cuntada leh cusbo xad dhaaf ah inay keeni karto kansarka nuuciisa ku dhaca caloosha.
Waxaa kale oo laga digay hilibka la mariyo warshadaha ee qiica uu gaaro. Waxay qofka u horseedi karaan khatarta xanuunka kansarka gaar ahaan midka haleela caloosha iyo beer yaraha. Khubarada caafimaadka ayaa xusay in hilibka uu gaaro qiica ee lagu kariyo heer kul sare inay khatar badan ka imaan karto.
Waxaa kale oo keena xanuunka kansarka isticmaalka badan ee Alcohol-ka. Daraasado badan ayaa xiriir ka dhaxeysiiyay kansarka iyo Alcohol-ka oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo.
Tan iyo muddo, Kansarku waxa uu kamid ahaa cudurrada laga diiwaan geliyo Soomaaliya hase ahaatee waxay su’aal ka taagan tahay xaddiga uu cudurka yahay iyo nuucyada ka jira dalka.