Home / Cayaaro / 4 sabab oo uusan Ronaldo mar kale ugu guuleysan karin jaa’isada Ballon d’Or

4 sabab oo uusan Ronaldo mar kale ugu guuleysan karin jaa’isada Ballon d’Or

Cristiano Ronaldo waa mid kamid ah xiddigaha ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta, waxa uu muddo dheer xafiiltan kala dhaxeeyay Messi, Ronaldo ayaa qeyb ka ahaa maamulka kubadda cagta in ka badan 10 sanno.

10 sanno gudaheed, Portuqiiskaan ayaa ahaa mid soo bandhigayey waxyaabo lala yaabo gudaha garoonka welina waxa uu sii wadaa dhalinta goolasha oo uu awood u leeyahay. Intii lagu guda jirey xirfaddiisa ciyaareed waxa uu hantay 5 Ballon d’Or iyo koob waliba oo uu la qaaday  Real Madrid and Manchester United.

Haddaba halkaan waxa aan kugu oo gudbinayaa afar qodob oo uusan Ronaldo mar kale ugu guuleysan karin jaa’isada Ballon d’Or.

#4 koobabka ay qaadi karto Juventus

Juventus waa koox horyaalka Italy ku heysata awood waxa ay hadda kooxda kusoo xigta ka sarreyaan 17 dhibic. Kahor inta aannu imaan Ronaldo kooxda, Old Lady ayaa hanatay todobo jeer oo xiriir ah horyaalka Serie A laga soo bilaabo 2011/12. Sida iska cad Ronaldo waxa loo soo iibsaday waxa ay tahay sidii uu kooxda ugu saacidi lahaa hanashada Champions League.

Bianconeri waxa ay fursad u heysatay ku guuleysiga Champions League fasal ciyaareedkaan, markii kooxaha ugu tunka weyn qaaradda Yurub laga cirib tiray tartankaan sida Real Madrid, Bayern Munich, Atletico Madrid, PSG oo ku haray wareegga 16-ka, balse Bianconeri ayaa dayacday fursaddii kooxaha caasimadda.

Hadda, Juventus waxay u baahnaan doontaa isbedello boosaska Chiellini and Bonucci oo ku jira da’da 30 sanno halka Barzagli uu kabaha siibi doono marka uu idlaado fasalkaan, khadka dhexe Pjanic lama hubo ka qeyb ahaanshiyaha kooxda halka Dybala uu dadayan doono doorasho kale.

#3 Da’da xiddiga

Ronaldo oo hadda ku jira da’da 34 sanno jirka ayaa Febraayada soo aadan waxa uu noqon doonaa 35 jir sidaa awgeed wey ku adkaan doontaa in uu sameeyo dhaqdhaqaaq kale oo u saamixi kara in uu dib u milicsado waayihiisii 25 jirka, taasina waa fursadda ka hor istaagi karta hanashada abaalmarintaan.

#2 Tartamayaal badan

Kubadda cagta wakhti xaadirkaan waxaa kusoo kordhaya xiddigo badan oo da’yar ah kuwaasi oo leh tayo aan la difiri Karin marnaba, Kylian Mbappe waa mid kamid ah laacibiintaasi waa 20 jir waxa uu hadda qeyb ka yahay kuwa ugu goolasha badan qaaradda Yurub imikadaan.

Barbaarkaan hantay koobka dunida ayaa afar gool iyo shan caawin ka sameeyay tartanka Champions League, Mbappe ayaa 33 gool iyo 17 caawin ka sameeyay dhammaan tartamada isaga oo keliya ka danbeeya Lionel Messi.

Virgil Van Dijk sidoo kale waa mid ku riyaaqaya xilli ciyaareed qurux badan oo uu la qaadanayo  Liverpool, waxa uu kooxda Reds ka saacidi karaa hanashada Champions League and Premier League, dhammanteen waynu ognahay haddii aad ku guuleysato Champions League in aad hanan karto jaa’isada Ballon d’Or.

Sida Neymar and Eden Hazard waa kuwa kale aan la xaqiri karin, Neymar waxa uu bilihii dhawaa ku dhibtooday dhaawac soo gaaray, Braziliankan ayaa mustaqbal sarre ku leh kubadda cagta. Hazard ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid isaga oo ka hayaamaya Chelsea, laacibkaan ayaa laga yaabaa in uu noqdo midka ugu sarreeya kubadda cagta haddii uu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid.

# 1 Lionel Messi aan la istaajin Karin

Ronaldo waxa uu had iyo goor  xafiiltan kala dhaxeeyaa Messi, kaasi oo hadda ku riyaaqaya xilli ciyaareed aan caadi aheyn, 31 jirkaan ayaa 45 gool dhaliyey isaga oo caawiyey 21 jeer dhammaan tartamada, waxa uu baaqi ku yahay horyaalkiisa, Messi ayaa sidoo kale hoggaaminaya gooldhalinta qaaradda Yurub ee European Golden Shoe isaga oo horyaalka La Liga ka dhaliyey 33 gool. Halka Ronaldo uu shabaqa dhex dhigay 25 gool dhammaan tartamada- 19 kamid ah waa Serie A.

Intaan aan soo xusnay waa  sababaha ugu weyn ee uusan Ronaldo ku hanan karin mar kale abaal marinta Ballon d’Or.

Qore: Maxamed Xasan Maxamed Owen

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan