in ka badan 41,000 oo qof ayaa dhintay iyada oo wali kooxaha gurmadka ay rajo ka qabaan in la helo dad nool, 9 maalin kaddib Talaadadii shalay waxaa la helay dad nool.
Kooxaha gurmadka ayaa sheegaya in ay sii wadayaan howlgallada badbaadinta iyo baadi goobka inkasta oo darajada qabowga ay aad u badantahay.
Dowladda Turkiga waxaa ay sheegtay in 13,5Milyan oo qof uu saameeyay dhul gariirka, sidoo kale waxaa ay dowladdu sheegtay in 450km dhul dhan uu dhulgariirku saameeyay laga billaabo Adana oo galbeedka ah ilaa Diyarbakir, oo bariga ah iyo Malatya oo waqooyiga ah ilaa Hatay oo koofurta ah.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in 110,000 oo qof ay ka qeybgaleen gurmadka, sidoo kale 5,500 oo Gawaari ah ayaa ka qeyb qaatay,waxaana ay ka kala socdeen 95 Waddan oo Caalamka ah kuwaas oo taageero iyo garab istaag u muujiyay Turkiga.
Dalka Syri 5,3Milyan oo qof ayaa ku gurya beelay dhul gariirka sida ay sheegeen kooxaha gurmadka ee dhinaca Waddanka Syria.