Home / Cayaaro / 5 ciyaaryahan oo laga yaabo in ay ka dhaqaaqaan Arsenal bisha January

5 ciyaaryahan oo laga yaabo in ay ka dhaqaaqaan Arsenal bisha January

Himilo FM – Waqti dheer haatan, Arsenal ayaa aheyd nooca kooxda muujinaya ballanqaad weyn, laakiin marnaba ma aysan oofin. Waxay bixiyeen rajada ay ka qabaan in ay ku guuleystaan horyaal sannadihii tegay,waxaana hadda ay isku dayayaan in ay bartilmaameedsadaan afarta sare,xilli ciyaareed kasta.Si kastaba ha ahaatee, tani ma ku filan tahay? Miyay Arsenal dooneysaa in ay koob ku guuleysato?

Aqlabiyadda ayaa sheegaysa in ay tahay in ay muujiyaan hammiga badan,laakiin waxa badanaa la iska indho-tiraa waa xaqiiqda,Arsenal waxay soo bandhigtay guulo iyo kubbad ciyaar loo riyaaqay oo ay daawadayaashu jecleysteen,hase yeeshee marar badan waxay la kulmeen dhibaatooyin iyo kaalintii ay u baahnaayeen oo aysan tegin, taasi oo loo sababeyn karo ciyaartoyda aan wanaagsaneyn,iyo kooxda oo aan qiimo badan ku bixin ciyaartoyda.

Ma jirto wax diidaya in Gunners ay tahay koox hodan ah,sidaasi darteed waa in ay qaar kamid ah lacagahaasi ku bixiyaan meel wanaagsan.mararka qaar waa in kooxda ay safkeeda ka warqabtaa,dareen siisaa kuwa baxaya iyo kuwa kusoo biiraya.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa shan ciyaaryahan oo laga yaabo in ay Arsenal ka dhaqaaqaan bisha Janaayo.

#5 Danny Welbeck

Danny Welbeck ayaa ah ciyaaryahan uu hoos u dhac ku yimid sannadihii la soo dhaafay,keliya waxaa loo isticmaalaa koobabka yar yar iyo tartamada yurub.Waxa uu si adag u ciyaaraa waqti kasta horyaalka Premier League,isaga oo tartan kala kulmaya xiddigaha weerarka kooxda sida Aubameyang iyo Lacazette,taasi oo sababeysa in uusan helin fursad kasta oo uu kusoo bandhigi lahaa fursadiisa ciyaareed.

Inkastoo Welbeck uu siddeed jeer u ciyaaray Arsenal xilli ciyaareedkan, 7 ka mid ah waxa ay ahaayeen bedel,weliba waxaa xusid mudan in wakhti danbe oo ciyaarta la keenayey.marka bedelka lagu soo gelinayana ay tahay wakhtiga,goorta ay kooxda faraha ku heyso guusha.

Waa inaad su’aal ka keentaa qiimaha dhabta ah ee uu Welbeck ku leeyahay kooxda.Arrin kale oo weyn oo lala xariirinayo Danny Welbeck ayaa ah in uu dhaawac yahay. Xaqiiqdii ma yahay laacib ay Arsenal u baahan tahay?

Xagee laga yaabaa in Danny Welbeck uu tago?

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa diyaar u ah in ay si xor ah u fasaxaan Welbeck,si ay ciyaartoy kale u keenaan naadiga.Galatasaray ayaa lagu soo waramayaa in ay diiradda u saaran tahay saxiixii weeraryahanka Welbeck,sidoo kale 28 jirkaan waxaa xiiseynaya Everton iyo Leicester City.

#4 Mesut Ozil

 Qaar kamid ah marka ay arkaan magaca Ozil oo ku jira liiskan waxaa suura gal ah in ay layaabaan.Si kastaba ha ahaatee, kuwa ka warqaba sida uu u ciyaaray xilli ciyaareedyadii dhawaa waxay ogaan doonaan sababta dhabta ah ee loogu soo daray.

Ozil qiimaha uu ku fadhiyo waa 40 milyan oo ginni, sida dhabta ah, sidaasi darteed haddii ay doonayaan inay iska iibiyaan, lacagtaas ayaa noqon doonta mid aad u sareysa,waxayna u baahan yihiin in ay yareeyaan,suuqa kala iibsiga.

Halkee ayuu tegayaa Mesut Ozil?

Jariiradda The Sun ayaa sheegtay in Arsenal ay diyaar u tahay in ay laacibkaan khadka dhexe ku iibiso 25 milyan oo ginni bisha Janaayo, iyadoo Inter Milan ay ugu cadcadahay saxiixiisa.

Naadiga ayaa dooneysa inay iska iibiso si ay u joojiso mushaaraadkiisa faraha badan ee ku kacaya £ 350,000-toddobaadkii.Juventus ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso laacibka Jarmalka udhashay,laakiin wadahadalada ayaan weli suura gelin.

#3 Granit Xhaka

Granit Xhaka ayaa si wacan Arsenal kula bilowday guulo iyo wax qabad muuqda xilli ciyaareedkaan,laakiin taageerayaal badan ayaa ku dooday in taasi ay tahay wax fudud,waxayna ku micneeyeen in aysan jirin doorasho kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhawaan la qiray in xiddiga reer Switzerland aanu ku faraxsaneyn kooxda.isaga oo la hadlay wargeys laga leeyahay dalkiisa,kaddib markii la weydiiyay haddii uu jeclaan lahaa in uu u ciyaaro FC Basel mar kale,waxa uuna ku jawaabay “Shaki la’aan”

Xaggee laga yaabaa Granit Xhaka in uu tago?

Marka la eego wixii horayba loogu xusay maskaxda,Xhaka ayaa ah meeshii ugu macquulsaneyd kaddib marka uu ka hayaamo Arsenal in uu u dhaqaaqo FC Basel. Waa koox xooggan oo kamid ah horyaalka Swiss, waxaana ay ku habboon tahay Xhaka si fiican.Waa wax aan suurta-gal aheyn in uu doonayo inuu u dhaqaaqo koox kale oo Premier League ah.

#2 David Ospina

David Ospina ayaa haatan amaah ku jooga Napoli, isaga oo u ciyaaraya si aad u fiican. Waa wax iska cad in uu noloshiisa hadda uu ku raaxeysanayo wax ka badan intii uu joogay London,sidaas darteed ka guuritaanka Emirates waa mid aad u badan.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu ku soo bilawdo bisha Janaayo kaasoo arki doona ciyaaryahanka reer Colombia si joogta ah ugu dhaqaaqo Italy,laakiin qaab noocee ah ayuu ugu tegayaa kooxda?Arsenal qiimaha ugu fiican ee ay ku iibin karto waa 10 milyan ginni.

Xaggee ayuu David Ospina tagi karaa?

Napoli waa jawaabta ugu muhiimsan ee su’aashaas,laakiin wuxuu  weli u furan yahay in uu u furo meel kale.waxaa laga yaabaa in uu shaqo ka qabto horyaalka Premier League.

#1 Carl Jenkinson

Waa maxay sababta Carl Jenkinson uu weli u yahay kooxda Arsenal? Weligiis ma uusan helin xilli ciyaareed weyn,laakiin marwalba waxaa loo tixgeliyaa “mustaqbalka kubadda”. Haatan waa 26 jir, Jenkinson ayaa muujiyay in uusan wax muuqda sameynin,wuxuu awood u leeyahay inuu ku habboonaado horyaalka, marka loo eego Premier League..

Labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, Jenkinson ma ciyaarin hal kulan oo Premier League ah. Waqtiyada keliya ee uu ku arki lahaa maaliyadda Arsenal,waa marka ay kooxdiisu u baxeyso kooxaha daciifka ah.

Halkee laga yaabaa in Carl Jenkinson uu tago?

Waxa ugu fiican ee uu Jenkinson dhab ahaantii rajeyn karo waa koox kamid ah kooxaha kaszoo dalacay horyaalka heerka hoose  marka la gaaro bisha Janaayo.Lakiin si rasmi ah loo lama xiriirin koox kale, inkastoo Arsenal ay suura gal tahay in uu u ciyaaro sannad kale.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan