Home / Cayaaro / 5 halyeey oo kubadda cagta ah oo lumiyey goolkulaad koobka dunida.

5 halyeey oo kubadda cagta ah oo lumiyey goolkulaad koobka dunida.

Muqdisho – Koobka adduunka waa midka ugu macaquulsan ee laga daawado kubadda cagta,adduun weynaha oo idil ayaa hal bil indhaha ku haya,iyadoo qof waliba ay adag tahay in si sahlan ay ku seegaan kulamada xittaa ha noqdaan kulamada yaryar.

Mid kamid ah ciqaabta ugu weyn ee uu laacibi kala kulmi karo dhacadaadan waa marka la laadayo goolkulaadyada,taasi oo marka uu seego uu wajihi cannaan fara badan. Seegitaanka ciyaartoydu waxaa sabab u ah cadaadiska ama khalkhalka.

Marka ciyaaryahanka uu ku qasaariyo kubadda xerada ganaaxa ee munaasabadda Koobka Adduunka,Dhammaan waxaa lagu soo daabacayaa warbaahinta si aad u adag. Taageerayaasha iyo dhagaystayaashu waxay ku qeyliyaan ciyaaryahanka, taasi oo ay ku micneeyaan in uu murugo weyn u keenay kooxda.

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa  shan ciyaartoy oo ka mid ah ciyaartoy qasaariyey goolulaadyo Koobka Adduunka.

#5. Steven Gerrard, England vs Portugal, 2006 World Cup.

England Ayaa rikoor xumo koobka adduunka isaga haray,Laakiin markii Steven Gerrard uu muujiyay rabitaankiisa ah in uu qaato rigoorada kulankii ay la ciyaaren Portugal dheeshii quarter-final-ka ee 2006dii,madaama uu qasaariyey rigoorada, qofna ma rumeysneyn in uu seegin doono goolka.

Gerrard ayaa ahaa xiddiga qadka dhexe ee taatikada kooxda Liverpool, kaasi oo si sahlan gool ku dhaliyey finalka FA Cup iyo finalka Champions League, sannad ka hor markaasi.

#4. Hugo Sanchez, Mexico vs Paraguay 1986 World Cup.

Hugo Sanchez ayaa loo tixgeliyey mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican ee kubadda cagta oo dhan.Waxa uu halyeey u ahaa kooxda Isbaanishka Real Madrid iyo Mexico,shaki kuma jiro in uu ahaa ciyaaryahanka ugu weyn xulkiisa.

#3. Roberto Baggio, Italy vs Brazil, 1994 World Cup

Finalkii Koobka Adduunka 1994kii waxa uu ka dhacay Rose Bowl ee Pasaden, California. Finalka waxaa wada ciyaaray Brazil iyo Italy.

Tani waa mid ka mid ah kulamadii ugu weynaa kubadd cagta, waayo badan oo kubadda cagta ah ayey leeyihiin. Brazil iyo Talyaaniga ayaa ciyaaray kubad caajis ah oo ku dhisan daafac, sidaas darteed ciyaatu waxay ku idlaatay 0-0. Dhammaadkkii waxaa la isla aaday goolulaad.

Brazil ayaa ku hogaamineysay hal gool, taasi oo ah markii uu halyeeyga reer Talyaani Roberto Baggio uu go’aansaday in uu rigoorada qaato. wuxuu dhaliyay shan gool tartankan oo dhan. Laakiin waxa uu kubadda u direy meel banaan. Brazil ayaa ku adkaatay 3-2 in ay qaado Koobka Adduunka.

##2. Michel Platini, France vs Brazil, 1986 World Cup

Koobkii Adduunka ee 1986 ayaa lagu qabtay Mexico. Mid ka mid ah kulamada quarter-final-ka,waxaa wada ciyaaray Brazil iyo France,gudaha heerkulka waxa uu ahaa  45 degrees Celsius.

Faransiiska iyo Brazil ayaa midba midka kale doonayey in uu soo gudbo,laakiin waxay ku dhamaatay ciyaarta 1-1.Kaddib waxaa loo gudbay goolkulaad, Michel Platini oo loo maleynayay inuu ka wanaagsan yahay Maradona xilligaasi, ayaa guddoomay rigoorada.Waxa loo tixgeliyey khabiir ku wanaagsan laadka rigoorada,sidaasi darteed taageerayaasha ayaa aad ugu faraxsanaa inay arkaan.

Laakiin halyeeyga ayaa kubadda qasaariyey,Ugu dambeyntii, France ayaa ku adkaatay 4-3, waxaana ay u soo baxday semi-finalka. Maradona ayaa si wacan ugu ciyaaray xulkiisa Argentina isagoo ku guuleystay Koobka Adduunka.

#1. Diego Maradona, Argentina vs Yugoslavia, 1990 World Cup

Koobkan adduunka waxaa lagu qabtay Italy,Mid ka mid ah kulamadii wareegga bug baxda waxaa wada dheelay Yugoslavia iyo Argentina.Ciyaarta ayaa ku dhamaatay rigoore,iyadoo ninka weyn ee Diego Maradona Uu kamid ahaa dadkii qaatay rigoorayaasha.

Taageerayaasha ayaa aad u niyadjabay markii uu caajisoobay, cagtiisa bidix waxaa si fudud u badbaadiyay lugta midi gee goolhayaha Yugoslavia, Tomislav Ivkovic.

Ugu dambeyntiina, Argentina ayaa ku badisay 3-2,taasi oo laga yaabo in ay sabab u tahay taageerayaal badan oo xusuusta rigooradii uu lumiyey Maradona.Waxay u u gudbeen wareeggga afar dhammaadka si ay ula ciyaari doonaan Italy.

Isha: Sporstkeeda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan