Muqdisho – Howlaha adag ee badbaadada nafeed la xiriira waxaa mar kasta laga xusi karaa umulinta iyo dhalmada haweenka. Howlaha ay qabtaan umulisooyinkuna waxay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee sida maalinlaha ah loogu baahan yahay.
Gef may noqoteen in marar la yiraahdo la’aanta umulisooyinka, ifka ama adduunyada laguma yimaadeen sahal. Taasina waa baraarug caalami ah oo loo wada oggol yahay xaggooda. Waana shalay oo kale oo ay taariikhdu ku beegneyd 5 bisha May oo sanad kasta la xuso Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada
Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada waxaa markii ugu horreysay la xusay shanta bishii May sanadkii 1991 waxaana taniyo sanadkaas looga dabaal-degaa in ka badan 50 dal oo dunida dacalladeeda ku kala yaal.
Aragtida ama fikradda ah yeelashada maalin la garowsado lana sharfo umulisooyinka waxay ku timid shir-weynihii isu-tagga umulisooyinka oo ka dhacay dalka Netherland ama Holland sanadkii 1987. Sanadkii 2014, waxaa laga xusay dalalka Iran, New Zealand iyo kuwa kale.
Adeegga Umulisadu waa furaha qorshaha qoyska, xaamilanimo badbaado leh iyo dhalmo caafimaad leh. Tiraabtaas waxaa tilmaantay hey’adda Caafimaadka Dunida. Si guud, tiro lagu qiyaasay 287,000 oo hooyooyin ah ayaa sanad kasta u geeriyooda xaamilo-nimada ama uurka iyo xaalado kale oo la xiriira dhalmada. 2.9 milyan oo dhallaan ah ayaa dhinta bilaha hore ee noloshooda – halka 2.6 milyan ay ku meydaan uurka, marka loo eego WHO.
Badi dhimashada xad-dhaafka ah ee laga hortagi karo waxay ku badan yihiin dalalka dakhliga hooseeya, kuwa saboolka ah iyo meelaha fogfog ee miyiga.
WHO waxay xustay inay taageerayso dadaallada ay dalal badan ku doonayaan hubsashada sida haweeney kasta ay u heli laheyd daryeelka caafimaad ee ugu macquulsan. Khibrad siinta iyo soo saarista umulisooyin aqoon leh, ayay tiri, waxay yarayn karaa dhimashada dhallaanka iyo umul-raacashada hooyooyinka.
Balse si kasta oo ay tahayse, umulisooyinka adduunka waxay maalin kasta u shaqeeyaan si adag oo lagu hubsanayo in hooyooyinka iyo qoysaskuba ku raaxaystaan heerka tayo ee daryeelka ay u qalmaan. Hayeeshe, kasokow dadaalkooda, heerarka ay ku wada shaqeeyaan ma ahan isku mid. Mana wada helaan agabyo ku wada ilan iyo aqoon buuxda oo ay ku howl-galaan.
Halka dunida horumartay ay ku naaloonayaan tayada daryeel ee umilista ugu badbaado fiican, dunida soo koraysa waxay dhib kala kulmaan marka la rabo in ifkan cagaaran lagu soo dhaweeyo ubad ooyaya. Natiijaduna aalaaba ma noqoto dhamaad lagu farxo. Geeridu waa casharka maalinlaha ah ee ku dhaca, marka loo eego WHO oo tilmaantay in 800 oo haween ah iyo 8,000 oo dhallaan ah ay maalin kasta u dhintaan siyaalo la xiriira dhalmada iyo umusha.
Umuliso-dhaqameedku muddaba wuxuu soo ahaa dhaqan soo jireen ah oo jiilba uu jiil kaga danbeeyey. Gu’yaalihii dhawaa oo heerka baxnaano ee daryeelka caafimaadku uu sare u kacay iyo aqoonta la xiriirta umulisanimada oo baahday, umuliso-dhaqameedku uma saameyn badna sidii hore. Walise dhibaatada ay la kulmaan hooyooyin badan oo aan helin xarumo caafimaad – kuwaas oo ku dhala gacmaha umuliso-dhaqameedka mayara. Waana mid kamid ah caqabadaha heysta heerka badbaadada dhallaanka iyo hooyada Soomaaliyeed
Talooyinka doorka ah ee WHO tilmaantay si loo yareeyo dhimashada dhallaanka iyo umusha, waa in kor loo qaado qorshayaal qaran oo caafimaadka ku lug leh iyo in howl-wadeennadu ku shaqeeyaan wadar si ay heer ahaan isku xoojiyaan. Dhawaaqanina waa inuu maangal la noqdaa umuliso-dhaqameedyada aan si dhameystiran u wada gudan karin baahida bukaanka ay la fal-galayaan.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.