Home / Arrimaha Bulshada / 50 maalin ayuu u taagnaa dukaan jaceyl dartiis!

50 maalin ayuu u taagnaa dukaan jaceyl dartiis!

Himilo FM – Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa soo warisay in nin dalkaasi u dhashay uu muddo 50 maalin ah ku sugayay dukaan buugaagta lagu iibiyo gabar riyadiisa ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Sun, waxa uu aaminsan yahay gabadha dukaanka uu ku arkay Bishii September inay tahay riyadisii, sidaa darteed waxa uu u joojiyay shaqadiisa, waxa uu maalin walba tagi jiray dukaankii uu gabadha ku arkay.

26 jirkan waa shaqo la’aan, waxa uu lacag ka soo amaahdaa saaxiibbadiisa iyo ehelada balse waxa uu sheegay inuusan ka xumeyn go’aanka uu qaatay. Ninkan jaceylka dhammay waxa uu yiri dhib ma laha haddeysan gabadhu i xiiseyneynin balse waxaan doonayaa inaan helo u dhawaanshaheeda.

Ka dib 50 maalin oo uu joogay dukaankii uu gabadha kula kulmay marka la furo ilaa xiritaanka, oo natiijo la’aan ku dhammaaday, Sun waxa uu noqday quus waxa uu aaday maxkamad deegaanka ku taal waxa uu dacwo ka gudbiyay gabadha maan-rogtay.

Balse maxkamadda, ayaa codsigiisa hoos u dhigtay sababtoo ah xitaa ma magacaabi karo gabadha uu jecel yahay ee uu dacwada ka gudbinayo. Hase ahaatee, Sun waxa uu sheegay inuu sii wadayo keenida fekrado cusub oo uu kula kulmayo inanta uu caashaqu u caleemo saaray.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan