Home / Arrimaha Bulshada / 51-jir xanaaneysa 480 Bisadood

51-jir xanaaneysa 480 Bisadood

Himilo – Maryam al-Balushi oo ka mid ah dadka jecel xayawaanada waxey kasoo jeedaa magaalada Masqad ee caasimadda Cumaan waxaa hooygeeda la degan 480 bisadood iyo 12 Eey, kuwaas oo bishii ay ku baxdo lacag dhan $8,000.

51-jirtan oo ah shaqaale dowladeed oo hawlgab ah waxey billaawday xanaaneynta mukulaalaha sannadkii 2008-dii markaas oo wiil ay dhashay uu guriga keenay bisad yar, si ay u rabbaayadeystaan.

“Si la mida hooyooyinka kale, waxaan diiday inaan xanaaneeyo sababtoo ah ma jecleyn xayawaanada, wiilkeygana maka taxadari jirin caafimaadkeeda, balse si dhaqsi leh ayaan isku baddelay waxaan billaabay inaan quudiyo, u qubeeyo, oo aan waqti badan la qaato” ayey Al-Balushi u sheegtay AFP.

Waxey xilligaasi ku nooleed guri kiro ah, laakiinse 2014-kii ayey hooy yeelatay, kaddib markii dariskeeda ay ka cawdeen xayawaanada ay haysato. Iyada oo shaqa ku jirta ayey mararka qaar kasoo tagi jirtay si ay u quudiso, sida ay sheegtay.

Ma hesho taageera dhaqaale marka laga reebo mid kasoo gala saaxiibadeeda barta Instagram-ka, waxey rumeysan tahay in ay tahay in la xanaaneeyo loona naxariisto xayawaanada maadaama ay nagula nool yihiin koonka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan