Home / Dibadda / Ra’isalwasaarihii hore ee Suudaan oo nabad ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya

Ra’isalwasaarihii hore ee Suudaan oo nabad ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya

Shacbka Magaalada Caasimadda ah ee Khartuum ayaa waxaa uu khasaare xoog leh ka soo gaaray dagaalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Waddanka Suudaan.

Isbitaallada Magaalada ayaa la sheegayaa in ay la tacaalayaan Dhaawacyada faraha badan ee ku waxyeelloobay dagaalka ka socda dalkaasi.

Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in ay hayaan ilaa hadda dhimashada 56 qofood oo Rayid ah iyada oo wali aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada ku dagaallamaya Dalka Suudaan.

Wasiirrada Arrimaha dibadda Mareykanka, Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa Qadka Taleefanka uga wadahadlay xaaladda Suudaan iyaga oo dhinacyada ugu baaqay in ay xaaladda dejiyaan.

Miltariga uu hoggaamiyo Jeneraal C/Fitaax Al Burhaan ayaa sheegay in aysan jirin Ciidan la dhoho gurmadka degdegga ah isaga oo sheegay in ay burburiyeen Saldhigyadoodii.

Dhanka Kooxda RSF ee gurmadka Degdegga ah ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka maalintii 2aad ka socda Caasimadda Suudaan ee Khartuum.

Shacab badan ayaa isaga barakacay Magaalada iyada oo markii horeba uu dagaalka kedis ku ahaa,waxaana ay u cararayaan banaanka Magaalada.

Cabdalla Xamuuk; Ra’isalwasaarihii hore ee Sudaan ayaa dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay in ay u turaan maslaxadda dalkooda xabbaddana joojiyaan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan