Himilo FM – Koobka adduunka waa midka ugu daawashada badan kubadda cagta oo waxaa daawada in ka badan 3 bilyan oo qof, waxaa ka qeyb gala xulalka ugu awoodda badan qaaradaha iyo cayaartoyda ugu caansan dunida.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira cayaaryahano caan ah oo aan nasiib u yeelan in ay ka qeyb galaan dhacdada afartii sanaba mar lagu baraarugo xiisaheeda.
Giggs
Halyeeyga Old Trafford ayaa heysta rikoorka ugu fiican kooxda kaddib markii uu xirfadiisa ciyaareed oo idil ku qarash garreeyay kooxda Manchester Untied. Nasiib darro halyeeyga reer Yurub marnaba uma suura galin inuu ku guuleysto horyaal weyn oo caalami ah oo uu la qaado Wales.
George Weah
Kaddib markii uu wakhti cajiib ah la qaatay kooxaha Monaco iyo Paris St Germain, xiddiga Liberia ayaa soo jiitay indhaha caalamka isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku soo bandhigay AC Milan.Waxa uu ka caawiyay kooxda in ay ku guuleysato labo Scudettos, waxaana loo doortay 1995-kii xiddiga sannadka adduunka, laakiin marnaba fursad uma helin marxaladda koobka adduunka.
Eric Cantona
Inkastoo uu la guuleystay Manchester United, xiddiga reer France ayaa marna u ciyaarin France kulan ka tirsan Word Cup. Dalkiisa wuxuu ku guuldareystay in uu ka qeyb galo dhacdooyinka koob adduun ee 1990 iyo 1994 sanaddii 1998 laacibka ayaan nasiib u yeelan in uu qeyb ka noqdo xulkii tababare Aimé Jacquet.
Ian Rush
Xiddiga reer Wales ayaa ku qarash gareeyey 1980s-kii isagoo qeyb ka ahaa kooxda Liverpool, laakiin gool dhalintiisa kama dhigin mid xulkiisa guulo iyo tartan weyn kula guuleysta.
Waxa uu ku guuleystay labo koob oo European Cup ah iyo shan horyaal oo uu la qaaday Liverpool, laakiin halyeeyga Merseyside ayaan ka qeyb noqon dhacdada ugu miisaanka culus caalamka ee Koobka Adduunka.
George Best
Ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta Yurub waxa uu dalkiisa u ciyaaray 37 jeer, waxaana uu kula guuleystay Manchester United koobka European Cup ama Champions league.
Nasiib darro, xitaa George Best ayaa ku hoggaamin kari waayay xulkiisa Northern Ireland koobka adduunka. Cidna ma diidana in uu kamid ahaa laacibiinta ugu saameynta badan xirfadda kubadda cagta ee kasoo ciyaaray horyaalka Ingiriiska.
laakiin markii uu dalkiisa ka qeyb galayey koobkii adduunka ee 1982, 36 jirkaan ayaa soo afjaray riyadiisa.
Alfredo Di Stefano
Blond Arrow waxa uu ku guuleystay shan koob oo European Cups ah oo uu la hantay Real Madrid, laakiin weligiis ma uusan ciyaarin Koobka Adduunka inkastoo uu ka soo muuqday saddex dal oo kala duwan oo heer caalami ah.
Waxa uu u ciyaaray dalal ay kamid yihiin Argentina, Colombia iyo Spain intuba wax uu kala soo muuqday dhacadada koobka dunida ma jirto, balse isagu waxaa loo tix geliyaa halyeeyada sida weyn loogu aqoonsan yahay kubadda cagta.