Home / Habka-Nolosha / 60 jir xannaaneysta ku dhawaad 80 Masas ah

60 jir xannaaneysta ku dhawaad 80 Masas ah

Himilo – Cabdul Sattar Amiin wuxuu kula nool yahay gurigiisa in ka badan 70 masas ah oo ku yaalla Magaalada Dohuk ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, Maqaarka Masaska waxaa loo adeegsadaa soo saarista dawooyin dhaqameed, wuxuuna aaminsan yahay in la ilaaliyo masaska halkii la dili lahaa.

60 jirkan Ciraaqiga ah, oo kaashanaya qoyskiisa, ayaa masaska korinayay in ka badan 30 sanno, wuxuuna sheegay in qaarkood ay sun leeyihiin.

Amiin wuxuu tilmaamay in markii hore, sida dadka kale, uu xanaaneysan jiray xayawaanka dabjoogta ah sida bisadaha iyo qoolleyda, laakiin wuxuu ogaaday in dadka badankood ay neceb yihiin la macaamilka masaska, carruurtoodana ay ku barbaariyaan in masasku yihiin cadow, sababtaas awgeed ayuu gurigiisa ugu korinayaa masaskaas in ka badan 30 sanno.

Wuxuu intaas ku daray in gurigiisa ay hadda ku sugan yihiin ilaa 76 masas , oo ay ku jiraan noocyo aan laheyn sun.

Masaska Cabdul Sattar ayaa sannad walba xilliga dayrta xuub dhacsada, gaar ahaan bilaha Oktoobar iyo Nofembar, isaga oo uruuriya xuubkooda, si loogu isticmaalo daawo ahaan.

Kaniini uu ka sameeyay maqaarka masaska ayuu sheegayaa in si dabiici ah loogu daaweyn karo babaasiirta, dhibaatooyinka mindhiciraha iyo xanuunnada kale ee uur ku jirta, isagoo xusay inuu taniyo 2006 waday howshan.

Amiin wuxuu sharraxay in xiisaha uu u qabo masaska uusan ahayn kaliya inuu ka faa’iideysto maqaarkooda oo daawo dhaqameed ahaan uu u sameeyo, taa bedelkeeda, waxay u tahay ixtiraamka xamaalatadaas oo uu rumeysan yahay in la ilaaliyo, wuxuuna raaciyay inuu inta badan badbaadiyo masaska in lagu dilo aaggiisa isagoo u door bida in uu gurigiisa geysto halkii la waxyeeleyn lahaa.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan