Home / Uncategorized / 63 jir, Jaamacad la dhameynaya Carruur uu Awoowe u noqon karo,Daawo

63 jir, Jaamacad la dhameynaya Carruur uu Awoowe u noqon karo,Daawo

Maxamed Ibrahim Duqow; oo 63 jir ah ayaa subax walba soo xaadira fasal ka mid ah kuwa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed,waxaana uu wax la bartaa Ardeyda Fasalka oo uu Awoowe u noqon karo.

Waxaa uu sheegay in Geeddiga Waxbarashada uusan ahayn mid laga duqoobo isagana uu Sanadkan ka qalinjebinayo kulliyadda Culuumta Bulashada ee Jaamacadda Umadda.

Waxaa uu ka soo jeedaa Qoys Beeraley ah Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana uu ka mid ahaa ardeydii fasalka 8aad uga baxay Waxbarashada xilligii Kacaanka.

Hadda waxaa uu sheegay in isaga oo farsamayaqaan ah oo aan cidna ku tiirsaneyn kuna shaqeysta Xirfadda tolliinka Dharka uu waxbarashadiisa wato.

Halkan ka daawo.

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/282847537515293

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan