69 jir laga diiday in laga badalo da’da u qoran markii haweenku ku faquuqeen

Himilo FM – Maxkamad ku taala dalka Holland ayaa diiday codsi ka yimid 69 sanno jir doonaya in laga badalo da’da loogu qoray diiwaanka dalkaasi.

Sheekada Emile Ratelband waxay timid kaddib markii ninkan uu ka carrooday nasiib xummadiisa la xiriirta boggaga dhallinyarada iska bartaan. Waxa uu si gaar ah cabasho uga muujiyay in haweenku ka jeestaan sabab ku qotonta da’diisa horumartay.

Mr Emile ayaa tagay maxkamad si uu u badallo da’diisa dhabta ah isaga oo doonaya in loo diiwaangeliyo da’da 49 jir oo uusan muuqaal ahaan u ekeyn.

Markii uu soo baxay go’aanka diidmada ah ee maxkamadda, waxay maxkamaddu sheegtay in muwaadiniinta oo loo oggolaado inay badalaan dhalashadooda rasmiga ah inay tahay arrin khatar ah maadaama da’da qofku la xiriirto markasta arrimo badan.

Wararka waxay sidoo kale tilmaameen in ninkan uu ku guuldareystay inuu maxkamadda ku qanciyo inuu la kulmay faquuq ku saabsan da’diisa, sidaa darteed waxaa la siiyay tallooyin markii laga diiday codsigiisa.

Sheekada ninkan u dhashay Holland waxay soo jiidatay warbaahinta caalamka oo si weyn wax uga qortay codsiga Emile oo xambaarsan layaab iyo dhiiranaan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan