Home / Arrimaha Bulshada / 69 jir laga diiday in laga badalo da’da u qoran markii haweenku ku faquuqeen

69 jir laga diiday in laga badalo da’da u qoran markii haweenku ku faquuqeen

Himilo FM – Maxkamad ku taala dalka Holland ayaa diiday codsi ka yimid 69 sanno jir doonaya in laga badalo da’da loogu qoray diiwaanka dalkaasi.

Sheekada Emile Ratelband waxay timid kaddib markii ninkan uu ka carrooday nasiib xummadiisa la xiriirta boggaga dhallinyarada iska bartaan. Waxa uu si gaar ah cabasho uga muujiyay in haweenku ka jeestaan sabab ku qotonta da’diisa horumartay.

Mr Emile ayaa tagay maxkamad si uu u badallo da’diisa dhabta ah isaga oo doonaya in loo diiwaangeliyo da’da 49 jir oo uusan muuqaal ahaan u ekeyn.

Markii uu soo baxay go’aanka diidmada ah ee maxkamadda, waxay maxkamaddu sheegtay in muwaadiniinta oo loo oggolaado inay badalaan dhalashadooda rasmiga ah inay tahay arrin khatar ah maadaama da’da qofku la xiriirto markasta arrimo badan.

Wararka waxay sidoo kale tilmaameen in ninkan uu ku guuldareystay inuu maxkamadda ku qanciyo inuu la kulmay faquuq ku saabsan da’diisa, sidaa darteed waxaa la siiyay tallooyin markii laga diiday codsigiisa.

Sheekada ninkan u dhashay Holland waxay soo jiidatay warbaahinta caalamka oo si weyn wax uga qortay codsiga Emile oo xambaarsan layaab iyo dhiiranaan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan