Himilo – Bishii April sanadkii 2004 ayay markii ugu horreysay QM aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee is-tusidda Xasuuqii Rwanda. Xuska Maalintanna waxaa tan iyo markaasi lagu qabanayay caasimaddo kala duwan sida Kigali, New York, Dar-es-Salaam iyo Geneva.
Wixii ka dhacay Rwanda 26 sanno kahor, ma ahan mid lagu hilmaami karo gu’yaal. Xasuuqaas dhacay oo sidoo kale lagu magacaabo Gumaadkii Tutsiga, ayaa xukuumaddii ay hoggaaminayeen Hutu-gu waxay intii u dhaxeysay 7 April ilaa July sannadkii 1994 nolosha ka tireen dad gaaraya 800,000.
Wax walba waxay ku billowdeen markii 6-April diyaarad uu saarnaa madaxweyne Habyarimana, oo kasoo jeeda Hutu-ga lasoo riday. Intaas kadibna waxaa xigay dagaal isir sifeyn ah oo lagu qaaday Tutsiga.
Xasuuqu keliya kuma ekeyn guryaha in loogu galo dadka; lagu dilo; ama lagu gubo ee sidoo kale waxaa saf-mar loo dilay dadkii ka cararayay guryahooda oo looga daba-tagay goobihii ay baxsadka ku noqdeen.
Qof kasta oo heyb la sheegta; deris la ahaa ama lagu ogaa heybtooda ayaa si aan kala reebis laheyn loo xasuuqay. Boqol maalmood gudahood ayaana lagu laayay 800,000 oo qof taasi oo ka dhigan xasuuqii ugu xummaa taariikhda casriga ee laga diiwaan-geliyay qaaradda Afrika.
Lamid ma ahan xasuuqyadii ka dhacay Kosovo iyo Bosnia; kii Armenia ee dhacay 1915; iyo gumaadkii Yuhuudda ee dhacay intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida oo loogu yeero Holocaust kuwaas oo aan xoggo badan laga diiwaan-gelin.
Waxaa naxdinta leh ayaa ah in dadka wada degga Rwanda ay ahaayeen qowmiyado wadaaga wax-yaabo badan sida afka, deegaanka; iyaga oo dhaqamo badan ka mideysan, haddana nasiib-darro, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa si toos ah iyo si dadbanba uga qeyb noqday gumaadkaas. Saxaafadduna waxay qeyb xooggan ku laheyd hurinta xasuuqaas isir-sifeyska lahaa.
Ereyada tumaatida leh ee ay adeegsan jireen war-fidiyeenka waxaa kamid ahaa; Waa inaad dishaan Tutsiga waayo waa Baranbaro; waa inaynu dhammaanteen la dirirnaa Tutsiga; waa inaynu dhammeynaa; ka saarnaa dalka oo dhan si aysan u helin meel ay gabaadsadaan.” Waxayna ku dhacayeen dhegaha muwaadiniinta dalka oo dhan ku noolaa.
Hayeeshe marka maanta la eego nolosha ka jirta Rwanda – ama aad booqato, hafilan inaad aragto hal muuqaal oo kuu muujiya wixii ay taariikhdani madow kasoo werisay sooyaalkii qaraaraa ee Rwanda.
Marka loo eego hey’adda Fitch, intii u dhaxeysa sanadihii 2001 iyo 2012, dhaqaalaha dalka Rwanda wuxuu kor u kacay 8.1%. Waxayna ku socotaa sameynta kobac dhaqaale oo xawli ah; adeegyada lagu bixiyo daryeelka caafimaadka iyo xanaanada hooyada iyo dhallaanka iyo dadka da’da ah ayaa keensatay in heerka nololeed ee qofka Rwandiga ah uu 10 sanno sii cimriyo. Waayo 90% muwaadiniintu waxay heli karaan ceymis caafimaad oo xaaladaha qaar noqda bilaash.
Rwanda sidoo kale waa dalalka ugu horreeya ee jiilasha Afrika ku nool kuwaas oo in ka badan 90% loo suura-galiyay inay aadaan dugsiyada wax-barashada.
Intii u dhaxeysay sannadihii 2006 ilaa iyo 2011, in ka badan hal milyan oo muwaadiniinta Rwanda u dhashay ayaa ka qaalib noqday saboolnimada.
Marka loo eego Ibrahim index of African Governance, Rwanda waa dalalka ugu horreeya qaaradda Afrika ee muujiyay hab maamul oo hufan iyo nidaam hoggaamineed oo hagaagsan. Taasina waxay la timid is-baddalka iyo horumarka ay ku naaloonayaan dadka reer Rwanda.
Waana go’aanka mid kasta oo hoggaanka dalka Soomaaliya la wareega – kan suura-galin kara inaan qaadno wadada ay ku taagan tahay Rwanda ama aan ku jirno nolosha dhalanteedka ah ee hadafkeedu gaaban yahay.