Himilo – Nin u dhashay dalka Hindiya oo hawlgab ah ayaa dhawaan dhigay rikoor cusub oo qaran kadib markii lagu eedeeyay in uu saacad dhan si toos ah u eegayay qorraxda isaga oo aan lahayn muraayadaha indhaha isla markaana aanu hal mar libiqsin.
70-jirkaan ka fariistay Dowladda ee ka howlgabay gobolka Uttar Pradesh ee Hindiya ayaa magaciisa lagu sheegay Mr. MS Verma. Waxa uu sida muuqata u tababbaranayay waxqabadkan cajiibka ah muddo 25 sano ah, ka dib markii uu dhiirigeliyay Indian guru . Isku daygiisii ahaa inuu ku garaaco rikoorkii hore ee ku dheygagga qorraxda isaga oo aan libiqsin ayaa waxaa kormeeray wakiilka Buugga Diiwaanka Hindiya, iyo sidoo kale koox siyaasiyiin iyo dhakhaatiir ah. Ka dib markii uu saacad si toos ah u eegay qorraxda isaga oo aan lahayn muraayadaha indhaha oo aan xitaa libiqsin, Aragga Mr. Verma ayaa loo arkayay mid caadi ah, sidoo kale guud ahaan caafimaadka isha.
Mr. Verma waxa uu ku guulaystay in uu jabiyo rikoodhkii hore oo uu dhawr sano ka hor dhigay nin kale oo u dhashay dalka Hindiya kaas oo ku guulaystay in uu cadceedda fiirsiyo isaga oo aan lahayn muraayadaha indhaha isla markaana aan 10 daqiiqo libiqsin. Ninkan da’diisu tahay todobaatanka. ayaa u sheegay saxafiyiinta in uu diyaar u yahay in sidoo kale abaal marinta Guinness World Records uu galo.
Inkasta oo hawl-gabku uu u muuqday mid wanaagsan ka dib isku daygiisii guusha lahaa, dhoola cadeynta iyo in uu sawiro la galo masuuliyiinta lagu casuumay, haddana khubaradu waxa ay ka digayaan in la isku dayo hawshan, maadaama oo si toos ah indhaha loogu eego qorraxda, xitaa si kooban, ay aad u xanuun badan tahay, dadkana khatar gelinaysa oo ay soo gaarayso dhaawac aan laga soo kaban karin.
W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud