Home / Arrimaha Bulshada / 80 jir meel ku xifdiyay Saabuun jirta 100 sano

80 jir meel ku xifdiyay Saabuun jirta 100 sano

Himilo – Waa Xaalad dhif iyo naadir ah, Younis Ghafour oo 78 jir Ciraaqi ah, ayaa aruurinayey saabuun noocyo kala duwan ah muddo ka badan 50 sanno.Waxa uu hadda haystaa ilaa 1,450 gabbal oo saabuun ah oo ay ku jiraan 811 nooc oo kala duwan, kuwaas oo la soo saaray lixdamaadkii qarnigii la soo dhaafay.

Odayga reer Ciraaq wuxuu hayaa gabballo saabuun ah oo jira in ka badan 100 sanno, oo ay ku jirto saabuun madaw ah oo taalla in ka badan hal qarni, saabuuntaas oo ay ayeeyadiis u haddiyadeysay hooyadiis aqal galkeedii, laakiin ma aysan isticmaalin ilaa maalintii ugu dambaysay nolosheeda.

Hooyada ayaa siisay saabuunta wiilkeeda, iyada oo kula dardaarantay inuu hayo oo uusan khasaarinin, marka lagu daro dhowr kale oo saabuun ah, kuwaas oo da’doodu ka weyn tahay 70 sanno.

Waayeelkan Ciraaqiga ah wuxuu ku uruuriyaa gabaallada saabuunta qadiimiga ah meel gaar ah oo gurigiisa ka mid ah, dhowr nooc oo saabuun kala duwan ah ayaa hadiyad ahaan uga yimid dalalka Carabta iyo Yurub, aroortii markuu tooso, waxa ugu horreeya ee uu sameeyo ayaa ah inuu aado qolka keydka ah si uu u hubiyo gaballada saabuunta ah.

Magaalada Sulaymaaniyah ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq – halkaas oo uu ku nool yahay Ghafour – waxay caan ku tahay warshadaha saabuunta, waxaana jira xaafad caan ah oo taariikhi ah, oo loo yaqaan “Sabonkaran”.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan