Himilo – 89 jir ka soo jeeda Mareykanka ayaa ku guuleystay inuu rumeeyo riyadiisa oo aheyd inuu aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga fisikis (Physics).
Manfred Steiner 20 sano oo ka mid ah cimrigiisa wuxuu ku bixiyay ka shaqeynta inuu ka miro dhaliyo filasho uu la noolaa gu’yaal badan.
Dhawaan ayuu ka dhabeeyay inuu difaacdo buugiisa qalin-jebinta. Jaamacadda Brown oo ku taalla bariga gobolka Rhode ayuu ka qaatay shahaadada PhD-da.
“Waan sameeyay, waxayna ahayd wixii ugu farxadda badnaa nolosheyda ee aan dhameeyo,” sidaas ayuu u sheegay wakaaladda AP.
Steiner, wuxuu sheegay in u heelanaan barashada Physics ay ku xoogeysatay isagoo dhowr iyo toban jir markii uu xogtooda akhriyay Albert Einstein and Max Planck.
Kadib dagaalkii 2aad ee dunida hooyadii iyo adeerkii ayaa u soo jeediyay inuu barto caafimaadka. Waxaa u suura gashay inuu ka dhameeyo jaamacadda Vienna 1955 isla cilmigaas, kadib wuxuu u soo guuray America.
Jaamacadda Tufts ayuu ka bilaabay barashada hematology – oo lagu daweeyo dhiigga- sidoo kale machadka Massachusetts ayuu ka bartay cilmiga noolaha.
Kadib wuxuu dib ugu biiray jaamacadiisii Brown oo uu qeybta caafimaadka masuul ka ahaa 1985 ilaa 1994. 2000 ayuu hawl gab ka noqday caafimaadka, wuxuuna ku laabtay gobol jasiiradeed Rhone.
Balse hawl-gab noqoshadaas Mr Steiner ma aysan ka dilin xiisihii iyo riyadiii uu ku riyoon jiray ee aheyd inuu barto cilmiga Physics.
“Run ahaantii ma aanan dooneyn inaan nolosheyda ku bixiyo iska fadhin iyo sameynta waxyaabo yar-yar sida ciyaar. Waxaan doonayaa inaan hawlkarnimada sidii joogteeyo,” sidaas ayuu yiri.
Sidaas darteed Steiner wuxuu billaabay dhigashada heerka koobaad ee jaamacdda isagoo 70 jir ah. Wuxuu hehay shahaadadii u suura gelin laheyd inuu iska diiwaan geliyo PhD.
Prof. Brad Marston oo u gaaroobay Physics wuxuu sheegay inuu markii hore ka shakisanaa inuu ardaygiisa noqdo Steiner balse markii dambe uu aad ula tacajabay go’aankiisa.
“Wuxuu seyniska caafimaadka ka qoray warqado badan, oo aanan ka qorin Physics, wuxuu hayay fekrado seynis oo ay tahay inay da’yarta horumariyaan,’ sidaas ayuu yiri Marston.
“Haddii ay caqabaduhu ku niyad jabiyaan, weligaa meelna ma gaareysid. Manfred waa tusaalaha adkaysiga,” sidaas ayuu raaciyay.
Steiner wuxuu ku taamayaa inuu barayaasha iyo aqoonyahanada ka caawiyo cilmi baarisyada.