Himilo – Maalinta Caalamiga ee garashada – Akhriska iyo Qoraalka waa fursad u furan dowladaha, ururada rayidka iyo hoggaamiyaasha si ay iftiin ugu furaan horumarka laga sameeyay heerarka akhriska iyo qoraalka caalamka iyo caqabadaha ka taagan.
Akhriska iyo qoraalka waa qaddiyad weyn oo hoos imaaneysa yoolalka waara ee Qaramada Midoobay ee sannadka 2030-ka.
Yoolalka QM ee horumarinta oo ay ansixiyeen hoggaamiyaasha caalamka bishii September ee sannadkii 2015 ayaa dhiira gelinaya in qof kasta uu heli karo waxbarasho tayeysan iyo fursado.
Waxay qeexayaan in la hubiyo in dhallinyarada xaqiijiyaan fursadda ay ku baran karaan akhriska iyo qoraalka iyadoo kuwa aan heysan fursadda loo abuurayo si ay ugu faa’iideeyaan naftooda. Sannadkan, waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “ Akhirska iyo qoraalka; Afafka badan.”
Inkastoo isbadal la sameeyay haddana caqabadaha akhriska iyo qoraalka ayaa ka taagan dalal iyo shucuub kala duwan. Dad badan ayaan awoodin akhriska iyo qoraalka.