Home / Maalmaha Caalamiga / 10 November- Maalinta seyniska ee nabadda iyo horumarinta

10 November- Maalinta seyniska ee nabadda iyo horumarinta

Himilo- Maalinta seyniska ee nabadda iyo horumarinta waxaa dunida looga dabaal deggaa sannad kasta 10 November iyada oo ay hay’adda UNESCO asteysay maalintan sanaddii 2001.

Ahmiyadda waxay tahay doorka cilmiga ku yeelan karo bulshada iyo sida loogu baahan yahay in dooddo lagu dhiiri gelinayo seyniska.

Hal-ku -dhegga sannadkan 2019 waxaa loo qaatay “ Cilmiga waa uu furan yahay, mana jirto qof ka maqan.”

Ujeedka loo aasaasay maalintan waxaa kamid ah in la xoojiyo ka warqabka bulshada ay ku yeelan karaan  nabadda iyo in la helo bulsho wadajir ah si ay u wadaagaan seyniska ka dhaxeeya waddamada.

Faa’iidada ka imaaneysa in sayniska uu noqdo mid u furan qof waliba ayaa ah in lahelo hal-abuurayaal, injineero, aqoonyahanno horumarsan iyada oo laga eegayo xarumaha danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay .

Si kastaba, cilmiga furan waxa uu horseedi karaa in la helo hadaf horumarsan oo joogta ah gaar ahaan qaaradda Afrika iyo dalalka horumaray.

Sumaya bint El Hassan oo ah ergayga UNESCO ee seyniska nabadda ayaa tiri: “Seyniska waa rajadeenna ugu fiican oo aan ku iftiimin karno mustaqbalkeenna, waxaa waajib nagu ah in aan dhammaanteen wax qabanno, waa innagu waajib wadaagidda aqoonta iyo taageeridda qofkeenba qofka kale.”

UNESCO waxaa muhiim u ah inay door muuqda ka ciyaarto sare u qaadista wacyiga in la qabto dooddo ku saabsan seyniska furan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan