Himilo – Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan jaamacadda Colombia ayaa muujisay sababta qofka u jareynayo marka uu naxo.
Baaritaanka oo lagu daabacay majaladda Current Biology ayay khubarada ku sheegeen in marka qofka dareemo cabsi uu jirkiisa soo deynayo hormone loo yaqaan Serotonin oo ka mas’uul ah shaqooyin badan.
Khubarada ayaa oggaaday in hormone-kan uu si kedis ah u soo deynayo jirka qofka marka uu baqo, waxa uu joojinayaa shaqada ama dhaqdhaqaaqa jirka iyada oo qofka uu bilaabayo in uu jareeyo.
Claire Howard oo kamid ah baarayaasha daraasadda ayaa xusay inay u arkaan joogsiga dhaqdhaqaaqa jirka mid muhiim ah marka uu qofka baqdin dareemo, si loo wajaho xaaladda cusub ee timid.
Hormone-ka loo tiirinayo jareynta qofka marka uu baqo ee Serotonin ayaa si toos ah ula xiriira maskaxda. Baaritaanka waxaa lagu sameeyay tixsi oo loo qaatay tusaalle.
Mr Claire ayaa hadalkiisa ku soo gunnaaday inay rajo badan ka qabaan oggaanshaha macluumaadka dhammeystiran ee hormone-kan.