Himilo – Goolhayaha Ajax Andre Onana ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay kooxda kubadda cagta Barcelona.
Inkasta oo la tilmaamay in kooxda reer Catalan doonayso inay yareyso kharashaadka ka baxa haddana wararka qaar ayaa muujinaya in Barcelona sameyn karto saxiixyo cusub suuq furanka xagaaga.
Iyada oo kooxda heysato Marc-Andre ter Stegen iyo Neto, warbaahinta Sport ayaa sheegaysa in kooxda La Liga xiiseynayso Onana.
Cayaaryahanka qaranka Cameroon oo loo arko mid kamid ah cayaaryahannada ugu muhiimsan Ajax ayaa la filayaa in uu u wareegi karo koox weyn suuq furanka soo socda.
23 jirka ayaa wakhti ku qaatay akaadeemiyadda Barcelona kahor inta uusan u wareegin Ajax sannadkii 2015-ka.
Chelsea ayaa la tilmaamayaa inay qiimeynayso xaaladda iyada oo dooneysa inay Onana ka dhigto beddalka Kepa Arrizabalaga.