Himilo – Cilmi-baaris cusub oo ay sameeysay xarunta nafaqada, jimicsiga iyo dheef shiidka ee jaamacadda Bath, ayaa lagu sheegay in cabista koob qaxwa ah kahor quraacda ay kaalin ka qaadato isku dheelitirka sokorta ku jirta dhiigga aadanaha.
Cilmibaarista oo lagu saleeyay tijaabo la mariyay 29 ruux oo rag iyo dumarba leh, ayaa lagu ogaaday in maadada caffeine ee ku jirta bunka ay ku dhowaad 50% korodhiso heerka sokorta ku jirta dhiiga.
Kororkan ayaa la arkaa markii ruuxa caba qaxwada uu raaciyo quraac, waxaase natiijadu yaraataa haddii uusan durbadiiba cunno cunin.
Baarayaasha cilmibaaristan cusub ee natiijadadeeda lagu daabacay warsidaha British Journal of Nutrition, ayaa qaba in loo baahan yahay in baaris kale la sameeyo si loo ogaado saameynta hurdada ay ku leedahay hanaanka dheef-shiidka bini’aadamka.
Inkastoo bunku leeyahay faa’iidooyin badan sida inuu gubo xeerta, kaana dhigo jir ahaan mid firfircoon, haddana dhaqaatiirta qaar ayaa ka diga saameynta taban ee uu leeyahay sida inuu kordhin karo qatarta ah in ruuxa uu ku dhaco wadne xanuun.